Wasaaradda Caafimaadka Jsl Oo Ka Hortaga Xannuunka Coronavirus Kala Tashatay Hay’adaha ay Wada-shaqaynta leeyihiin

Hargeysa(RH)Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliand Cumar Cali Cabdillaahi ayaa hay’addaha maxaaliga ah iyo kuwa caalamiga ee kala shaqeeya arrimaha caafimaadka kala shiray sidii qorshe mideysan looga wada yeelan lahaa xannuunka aduunka warwarka badan ku haya ee Coronavirus.

Sidoo kale, Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliand  Cumar Cali Cabdillaahi waxa uu soo jeediyey in si feejignaani ay ku dheehan tahay ay u wada socdaan.

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka  Cumar Cali Cabdillaahi isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay hay’add kasta oo joogta inay nagala shaqeyso arrimaha ay ka midka yihiin bulshadii in la gaadhsiiyo wacyigelinta, inay nagala shaqeeyaan dhaqdhaqaaqa iyo xogta in aanu ogaano xaaladdaha xannuunkaasi iyo in aanu xannuunkaasi sii faafin oo goobaha adeegyadda caafimaadka bixiya iyo wasaaradda caafimaadku ay ka wada shaqeyso, waxaa kale oo aanu isla garaney in kor loo qaado tayadda shaqaalaha ama ha noqoto tababarkooda ama dhismaha aqoontooda.”

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Waxaa kale oo aanu ka wada hadalnay in aanu isla socono oo xogta ka imaneysa dhankiina iyo ta ka imaneysa dhankayaga ay noqoto xog dhakhso ah, si aynu u qaadano go’aano mideysan oo aan iska hor imaneyn, waxaa kale oo intaasi dheer oo aynu ka wada hadaley in wasaaradda horumarinta caafimaadku ay arrintaasi ka noqoto hormood idinkuna aad mar walba diyaar u tihiin wixii dhimana aad buuxisaan

 

Category