Wasaaradda caafimaadka Somaliland Oo shaacisay Bukaano Cusub Oo laga helay Covid-19

Hargeysa(RH):-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka  Somaliland ayaa maanta shaacisay in 7 qof oo cusub laga helay xannuunka Covid-19, 24-kii saacdood ee u danbeeyay.  

Dad tiradoodu tahay 102 qof ayaa baadhitaanka lagu sameeyay 24-kii saacadood ee u daneeyay, halka cudurka laga helay 7-qof, kuwaas oo kooban  6 rag ah iyo qof dumar ah, waxay afar qof oo dadkaas ka mid ahi ku nool yihiin magaaladda Hargeysa, halka 3-sadexda kalena ay ku noolyihiin Magaaladda Boorama.

Dadkan ayaa dhamaantood u dhashay Somaliland waxaanay da’doodu u dhaxaysaa 10-jir ilaa 80-jir. Dadka ka bogsaday cudurka   ee laga saaray goobihii lagu dabiibayay ayaa ah 19 qof, ma jiraan cid u dhimatay cudurkaasi 24-kii saacadood ee u danbeeyay.

 

Category