Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Oo Guud Ahaan Dalka ka joojisay kulamadii Ciyaaraha

Hargeysa(RH)Wasaaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ayaa sheegtay in guud ahaan garoonada ciyaaraha ee dalka laga joojiyay muddo afar todobaad ah kulanadii ay ku yeelan jireen kooxuhu ama ciyaarihii lagu qaban jiray.

Agaasimaha guud wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Maxamed Cabdilaahi Siciid (Khaawi)  ayaa guud ahaan ciyaartoyada gobolada Somaliland u soo jeediyay inay ka digtoonaadaan inay isugu yimaadaan garoonada kala duwan ee ciyaaraha, si looga gaashaanto dhibaatada xannuunka Corona Virus.

Agaasime Maxamed Cabdilaahi agaasimaha wasaaradda ciyaaraha Somaliland wuxuu milkiileyaasha leh garoonada ay dhalinyaradu ku ciyaaraan u soo jeediyay inay u hogaansamaan amaradaas.

Ugu dambayn Maxamed Nuux Jibriil oo ah agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, ayaa dhalinyarada Somaliland u sheegay in arrintaas looga dan leeyahay si loo sugo ama loo illaaliyo caafimaadka dhalinyarada iyo ka guud ee bulshada, maadaama oo xannuunkaasi faro-baas ku hayo wadamo  badan oo caalamka ah.

 

Category