Wasaaradda Gaadiidka Somaliland Oo Daah-furtey Aqoonsiga Cusub ee Wadida Gaadiidka

Hargaysa(RH)Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa Magaalada Hargaysa ku daahfurtay Aqoosiga Wadida Gaadiidka Dadweynaha  (Driving License) cusub oo casri ah, munaasibadan ayaa wax ka qayab galay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Agaasimayaal Guud, Xildhibaano, Sulaadiin, Garaado, Cuqaal, Waxgarad Masuuliyiinta iyo Hawlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka, Mulkiilayaasha Macdarada Gaadiidka lagu Gado, sidoo kale Maamulayaasha iyo Macalimiinta Dugsiyada lagu barto Wadida Baabuurta,  iyo Dadweyne kale.

Munaasibadan ayaa lagu daahfuray adeegyada

1: Nooc cusub ee casriga ah oo noqonaaya  liisamada wadista gaadiidka Somaliland oo lix qaybood ah A-F.

2: Buuga barashada wadista oo ka kooban 400 suaalood & Jawaabood oo dalka oo dhan laga isticmaali doono wadayaashana lagu imtixaami doono

3: Shaqaale cusub oo loo carbiyay inay intixaanka casriga ah qaadaan oo hablo iyo wiilalba leh ayaa la diyaariyey oo tiradoodu dhan tahay 20.

4: Habka balan samaynta imtixaanka liisamada oo aad balantaada ka soo samaysan kartan www.somalilandtransport.com.

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Iyo Hormarinta Jidadka Somaliland Cabdillahi Abokor Cismaan ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedka madasha,  waxa u yiidhi “ Munaasibadan afar ujeedo ayunbaynu ka leenahay Ujeedada 1aad waxa weeyi, “Inaanu Daah FurnoAqoosiga Wadida Gaadiidka Dadweynaha  (Driving License) ee Somaliland oo lagu soo kordhiyey  (Security features) ama Astaamo Qarsoon”

Ujeedka 2aad waxa weeye “Maata waxaynu Cadaynaynaa In Wasaarada Gaadidka Horumarinta  Jidadka Somaliland ay la soo wareegtay Aqoosiga Wadida Gaadiidka Dadweynaha  (Driving License) oo marki hore Shirkad Gaar ahi Daabaci Jirtay,

Ujeedada 3aad Waxa Weeye In Aynu Halkan Idinku Soo Bandhigno Buug Ka Gooban 400 Oo Kalmadood Amaba Su,alood Oo Qof kasta oo doonaya inu qaato Liisanka ay waajib tahay inu aqoon u yeesho,

Ujeedada 4aa Waxa Yeeye “Inaanu Xagan ku soo bandhigno Hablo Iyo Inamo  Mudo La Tababarayey, Oo Wixii Ka Danbeeye Maanta Noqon Doona, Dadka Imtixaanka ka qaadi doona Qofkii u baahda inu qaato Liisanka (Driving License)

 

Ayaan C/casis Agaasimaha Waaxda Buugta iyo Aqoonsiga Wadida Gaadiidka (Driving License) ayaa waxay ka warantay habka loo qaadanayo Aqoonsiga Wadida Gaadiidka (Driving License) “

Waxay Wasaaradu Xooga Saaratay Liisanka Siday u Bedeli Lahayd Iyada Oo Ka Turjomaysa Saddex Qaybood Oo Kala Ah In Liisanka La Adkeeyo, In La Helo Dadkii Adkeynalaha Ee Imtixaanada Qaadi Laha

Sido Kala In Xooga La Saaro Sidii Loo Soo Saari laha Darawaliin u qalma Inay Gaadidka Wadanka Wadi lahaa  oo ay rakaabka masuul ka noqdaan”

Waxa Goobta isna  Ka Hadlay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Gaadiidka Iyo Hormanrinta Jidadka Somaliland, Cumar Abdillahi Adan Waxaanu Yiidhi “Runtii Arinta Ugu Weyn ee aanu Wakhti Badan Galinay Waxay ahayd Liisanka, Hawshan Maanta Noo Qabsoontay Runtii 6 Bilood ayaanu ka soo shaqaynayay, Buugan in la Helo Runtii Wakhti Badan ayey Nagu Qaadatay, Dhalinyaradan aad Arkeysan Inamo Iyo Hablo oo Ka yimi Gobalada Dalka Inay Hargeisa Joogaan, Intaasiba  Hablo iyo Inamo  Tababar  eyey Ka Soo Baxen,

Marka Runtii Waanu Dareensan nahay  In Isbedel weyni Imanayo , Waxaanu Kala Dooranay Uun Runtii Inaynu Waligaan Ku Jirno In Liisanka Gidaarka La Iskugu Keeno Oo U Qofku Maalinta U Doono Qaato, Iyo Inanu Amingeena Iyo Dawladnimadeena Aynu Ka Jawaabno,

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Marwo Hinda Jaamac Gaandi oo xalkaasi ka Hadashay aya Tidhi  “ Waxaan Soo Dhaweynayah Runtii In Imtixaan Laga Qaado Dadka Liisanka Qaadanayah Aadna Waan u soo Dhaweynaya Waana  Uga Mahad Celinayah Wasaarada Guud Ahan”

 

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-barwaaqon aya waxa u yidhi “Waxaan Filaya Inay Danteena Tahay Danta Dadka Tahay oo ay cid Waliba Tahay, Maanta Talaabada La Qaaday Waa Talaabadi Inoo  Furaysay Inaynu Nidaamka Aduunayada Ka Jira Ka Mid Noqono’

 

Wasiirka  Gaashaandhiga, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha,Madax dhaqameed uu ugu horeeyo garaad Jaamac ayaa iyaguna halkaasi ka hadlay oo tibaaxay muhiimada uu dalka u leeyahay qorshahan cusubi.

 

 

Category