Wasiirka gaashandhigga Turkiga oo ka dhoofay Muqdisho

Muqdisho (RH)- Wafdi uu hoggaaminayay wasiirka gaashandhigga dalka Turkiga, Ulusi Akar ayaa galabta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aden Cadde, kaddib markii ay u dhamaatay booqasho labo maalin ah qaadatay oo ay ku joogeen Muqdisho.

Wafdiga waxaa sii sagootiyay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed(Amar-dambe) iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xoogga.

Wasiirka gaashandhigga Turkiga, ka hor inta uusan ka dhoofin Muqdisho, waxaa isaga iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay si wada jir ah xarriga ugua jareen qeybo cusub oo lagu soo kordhiyay xarrunta Tababarada Turki Som ee Muqdisho.

Wafdigan ayaa tan iyo shaley kulamo la lahaa madaxda dowladda iyo saraakiisha ciidamada xoogga, waxanaa inta badan kulamada looga hadlay dib u dhiska ciidamada Soomaaliya illaa inta laga gaarayo 2020-ka, markaasna la gaaro in ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan guud ahaan waddanka maadama hadda dowladda aysana ka arrimin qaybo badan.

Ujeedka safarka wafdigan ayaa ah sidii dowladda Turkigu u sii dardargelin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyo inay qiimeeyaan siyaabaha ay ku sii horumarin karaan taageerada Ciidamada Qalabka sida ee dhinacyada tabobarka iyo qalabaynta.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula kulmay aqalka madaxtooyada wasiirka gaashandhigga Turkiga, isagoo uga mahadceliyey kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayso dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida, taasi oo asaas u ah in ciidanka Soomaaliyeed ay si buuxda u xaqiijiyaan ammaanka dalka.

Madaxweynaha iyo wafdiga ka socday Dowladda Turkiga ayaa ka wada hadlay dadaallada Dowladda Turkiga ee tabobaridda Ciidamada Qalabka sida iyo sidii loo dardargelin lahaa dhisidda iyo kobcinta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka, gaar ahaan kuwa Dhulka, Cirka iyo Badda.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category