Wefti ka Socda Xisbiyada KULMIYE iyo UCID Oo Nairobi Kulan Kula Yeeshay Baarlamaanka Kenya

Nairobi(RH)Hoggaamiyaha Xildhibaannada Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, Aadan Ducaalle ayaa kulan kula kula yeeshay xarunta Baarlamaanka  Weftigii  ka socday labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID ee booqashada shaqo ku jooga Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

waxaanay labada dhinac ka wada hadleen sidii ay Baarlamaanka labada dal u yeelan lahaayeen iskaashi la xidhiidha dhinaca Tababaradda iyo nidaamka shaqada Baarlamaanka.

Weftiga ka socda labada Xisbi waxa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ahna Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee xisbul-xaakimka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee xisbigaas Axmed Cabdi Dheere, Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan Guddida fulinta KULMIYE iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe

weftiga labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE waxa kaloo ay la kulmeen Hoggaamiyaha xisbiga lagaga tirada badan yahay Baarlamaanka Kenya. Junet Mohamed waxaanay ka wada hadleen sidii labada dal u xoojin lahaayeen cilaaqaadka wax wada qabsi ee ka dhexeeya Somaliland iyo Kenya.

 

Category