Weftigii ka socday Somaliland Oo Nairobi Kula Kulmay Beesha Caalamka

Nairobi(RH):-Weftigii ka socday Somaliland ee uu hoggaaminaayay Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Dr.Ciise Keyd ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula yeeshay waddamada bahwadaagta ah ee horumarinta caalamiga ah, siduu daabacay wargeyska The Star.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland  oo ay wehelinayaan wasiirrada horumarinta maaliyadda iyo qorshaynta qaranka Somaliland ayaa la kulmay waddamada bahwadaagta ah ee Denmark,Filand,Germany,Holand,Sweden, iyo Midawga Yurub.  kulankaasi uu qayb ka ahaa dedaallada horumarinta ah ee Somaliland ay ku doonayso in xidhiidh cusub ay la yeelato saaxiibada Somaliland ee dibadda iyo dib u habaynta ay ku waddo siyaasaddeeda dibadda.

 Weftiga Somaliland ka socday ayaa wadamada ay la kulmeen waxay si qoto-dheer ugagaga faaloodeen  rabitaanka xooggan ee Somaliland ee ah inay sii waddo ku dhaqanka mabaadi’da dimuqraadiyadda iyo qabashada doorashooyinka xor iyo xalaasha ah.isla markaana ay  somaliland ay tahay dal madax bannaan oo xorriyaddiisii dib ula soo noqday, kaasoo si gooniya ay ula macaamilaan hay’adaha caalamiga ah ee ka taageera dhinacyada dimuqraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, gargaarka bani aadannimada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Waddamada bahwadaagta ah ee Horumarinta caalamiga ah ayaa soo dhaweeyay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xisbiyada mucaaradka ah ay ka go’an tahay in la qabto doorashada madaxtinnimada ee 2022-ka.

Category