Weriyayaasha Muqdisho oo dalbaday in caddaalada la horkeeno kuwii dilay Jamal Khashoggi

Muqdisho (RH)- Qaar ka mid ah suxufiyiinta magaalada Muqdisho, ayaa dalbaday in caddaaladda la horkeeno kuwii ka dambeeyay dilka weriye Jamal Khashoggi oo labadii bishii horre lagu dhexdilay qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbul.

Koox weriyayaal ah oo ay ku jiraan madaxda Idaacadda Goobjoog ayaa isugu yimid barxad Idaacadda ay lee dahay, iyagoo sitay boorar uu ku sawirran yahay weriye Jamal Khashoggi iyo hadalo ay ka mid yihiin weriyaha Sucuudiga ha ehlo caddaalad.

Maxamed Boosh waxa uu ka mid ahaa weriyayaasha isku soo baxa ka qaybgalay, waxa uu BBC-da u sheegay in ay dalbanayaan in caddaaladda la horkeeno kuwii ka dambeeyay dilka weriye Jamaal Khashoggi.

“Waxaa cadaalad u raadineynaa weriye Jamal Khashoggi oo labadii bishii October lagu waayey qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbul, waa markii ugu horreysay oo weriyayaal Soomaaliyeed ay isku yimaadaan iyagoo cadaalad u raadinaya ninkaas la la’yahay”ayuu yiri Weriye Boosh oo ka tirsan Idaacadda Goobjoog.

Waa markii ugu horraysay oo weriyayaal Soomaaliyeed ay cadaalad u dalbadaan weriyaha u dhashay dalka Sucuudiga.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category