Wiil Soomaaliyeed oo Baskiil ugu kala safray Jigjiga iyo Boosaaso

Boosaaso (RH)-Magaalada Boosaaso ee xarrunta gobalka Bari waxaa dhawaan tegay Naasir Gaas oo safar baaskiil ah muddo ku dhow bil kaga soo baxay magaalada Jigjiga ee dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya.

Waa markii ugu horreysay oo qof Soomaaliyeed uu safar noocaas ah sameeyo.

Naasir ayaa mar uu ka hadlayay safarkiisa waxa uu sheegay in safarkiisa ay ku wehlinayeen saxaafadda caalamka kuwaasoo bandhigayay in isbaddalka dalka ee xagga ammaanka uu fiican yahay.

Waxa uu sheegay in safarkiisa uu qaatay 25 cisho, isagoo soo maray buuro, goobo baadiyo ah oo miyi ah, iyo tuulooyin.

Naasir ayaa sheegay in magaalooyinka uu soo maray ay ku soo arkay dad beeraleey ah iyo kuwa xoolaha dhaqda.

Naasir Gaas oo baskiil ugu safray Jigjiga iyo Boosaaso

Mar uu ka hadlayay cidda ku caawisay safarkiisa, waxa uu sheegay in horrey uu u tegay Soomaaliya isagoo ku safrayay gaari.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category