Xaaladii ugu dambeesay magaalada Muqdisho

Muqdisho (RH)-Xaaladda magaalada Muqdisho, ayaa maanta oo Sabti ah deggan, kaddib markii rabshado ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen in ka badan 10 qof oo shaley iyo habeen horre ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo ilaalada musharixiinta mucaaradka.

Xaaladda nolasha ee magaalada ayaa si caadi ku soo noqotay iyadoo dib loo furay wadooyinka caasimadda.

Waxaa dib u furmay wadooyinka waaweyn ee caasimadda oo shaley xirnaa, sidoo kale waxaa dib loo furay bangiyada, suuqyada, goobaha ganacsiga iyo waxbarashada.

Gaadidka dadweynaha ayaa sidoo kale shaqeenayay, waxaana marka aad timaado wadooyinka magaalada aad isleedahay magaaladan wax dhibaato ah kama dhicin.

Illaa hadda ma jirto wax xal ah oo laga gaaray khilaafka iyo rabshadaha ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo salka ku haysa muddo xilleedkii dowladda oo ahayd afar sanno.

Mucaaradka ayaa horrey u sheegay in ay isku soo baxyo dhigayaan Jimcihii, laakin dowladda ayaa sheegtay in ay mamnuucay isku imaatinada.

Si kastaba, weli mucaaradka ayaa ku adkeensanaya in ay sii wadi doonaan iska imaatinadooda ay uga soo horjeedaan dowladda.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category