Xabsiga Jeel Ogaadeen oo maanta si rasmi ah loo xiray

Jigjiga (RH)- Madaxwanaha dawlada deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah ugu dhawaaqay in albaabada loolaabay xabsiga dhexe ee (Jeel Ogaden) isagoo u baddelay madxaf ama Musiyam (goob dalxiis).

Madaxweynaha ayaa sheegay in xabsigan lagu xiray dad badan oo aan dambi galin kuwaasoo ay xireen maamulkii horre ee Cabdi Maxamuud Cumar, waxa uu sheegay in loo baddeli doono goob dalxiis oo dadku ay jecelyihiin.

Dadweynaha magaalada Jigjiga ayaa soo ku farxay tallaabada madaxweynaha DDS, waxa waxa ay sheegeen in raadad badan uu ku reebay xabsigan oo dumarka qaar ee lagu xiray ay ku dhex umuleen iyagoo xiran.

Ismaacil Buurgaabo oo ahaa suxufi ka shaqeenayey deeganka laguna xiray xabsigan ayaa sheegay in dadka Soomaalida ee deegan uu maanta u baryey waa cusub kol haddii la xiray jeel ciqaabeedkii ummadda lagu xasuuqay.

Madaxweyne Cagjar ayaa inta uusan xirin xabsigan ka hor waxa uu booqday goobihii ciqaabta qolkii lambar 8-aad, qolkii suuliga iyo godkii dadka lagu ciqaabi jiray.

Maamulkii horre, ayaa xabsigan dadka ku xiran ku sheegi jiray inn

Xabsiga Jeel Ogaadiniya ayaa waxaa ka dhacay tacadiyo badan loo geestay dadkii ku xirnaa balse maamulkii horre waxa dadka lagu xiray jiray ay ugu yeeri jireen kuwa dhaqan celin loogu sameenayo.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category