Xanaanada Tusindfryd " WAAD MAHADSANTIHIIN"

RH: Xannaanada Tusindfryd waxey sameysay guulo badan , laakiin waa laxidhayaa kowda Abriil ee sannadkan 2021ka . Jiilal dhowr ah,  ayey xaruntani gacan ka geysatay sidii  uhelilahaayeen barbaarin haboon iyo in ay  is-dhexgal wanaagsan lasameeyaan caruurta kale ee kasoo jeeda Denishka ee  ku nool aagga Skovparken/Skovvejen.

Sababta kaliya ee Tusindfryd loo xidhaayo  ayaa ah "sharciga geetooyinka", oo aqlabiyada baarlamaanka Denmark  SF ilaa DF meel mariyeen.

Hadii aanu nahey bahda Radio Hormuud waxaanu jecelahay inaanu  nidhaahdo waad ku mahadsan tihiin dedaalkiinii iyo sidii xirfada laheyd ee aad ugudateen waajibaadkiinii  barbaarineed ee caruurtii soomartay xanaanada iyo wadashaqeyntii wanaagseyd ee aad umuujiseen wallidiintood.

In kasta oo caqabado badani jireen, haddana dadaalkaas waad kuguulaysateen, shaqaaluhuna waxay muujiyeen khibrada weyn ee ay u leeyihiin inay ka caawiyaan carruurta degan xaafadaha Skovparken iyo Skovvejen sidii ay ugu guuleysan lahaayeen mustaqbalkooda waxbarasho iyo sidii ay ula qabsanlahaayeen nolosha Denmark,Waxaa xasuus mudan in ay xanaanadan soomareen caruur boqolaal ah Soomaaliyeed oo ku nool magaaladan Kolding.

 

 

Category