Xildhibaan ka Tirsan Golaha Wakiiladda oo ka hadlay Asbaabta Golahoodu u laaleen Mooshin Dhawaan la Horkeenay Golahaasi

Hargeysa(RH)Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale Oo Ka Tirsan Xildhibaanada Golaha wakiilada ayaa Tafaasiil buuxda ka bixiyey Mooshinkii Heshiiska asxaabta qaranka Oo ay golahaasi laaleen Iyo waxyaabihii u sabab ahaa in la laalo.

Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale oo arrintaasi ka hadlaya ayaa tilmaamay In Mooshin kastaa Oo la keeno golaha wakiilada Somaliland uu leeyahay dabeecad ah in uu maro habraac nidaameed oo ah tirada xildhibaanada uu ku ansaxmayey in uu wato  marka uu qodobkaa buuxiyana   la qabto , Markaas kadibna dood laga  furo  iyadoo marmarka qaarna dooda laga keeno ay sabab u noqoto inuu Mooshinkaasi jabo.

SD

Sababta uu u jabay mooshinkii ay golaha wakiiladu laaleen waxa uu ahaa in mooshinkaasi doodi ka furan tay oo xeerka doorashooyinka doodiisii golahoodu ay ku gudo jireen iyadoo xeer hoosaadka golahaasi uu dhigaayo in aan mooshin la keeni Karin golaha mar hadii doodi ka furantay,Waxaanu Xildhibaan Axmed Ducaale intaas ku daray in Mooshinkan loo soo gudbiyey Golahooda uu ka hadlayay in wax ka badal lagu sameeyo xeerka doorashooyinka dalka Isla Markaana uu ka mid ahaa Qodobada Ajandaha Kalfadhigoodii.

Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale wuxuu intaas raaciyey in hadii mooshinku ansaxo  la mariyo halka mudanayaasha aragtidoodu u badato  iyadoo la  raacayo mudanayaasha ugu badani tirada ay isku raacaan .

 

Category