Xildhibaan ka tirsan HirShabeelle oo Muqdisho lagu dilay

Muqdisho (RH)- Allaha u naxariisto, waxaa magaalada Muqdisho galabta lagu dilay xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibrahim oo caan ku ah (Kabxanleey) kana mid ahaa baarlamaanka maamulka HirShabeelle.

Xildhibaanka ayaa ku dhintay qarax loogu xiray baabuur uu watay agagaarka bangiga IBS ee ku yaalla degmada Xamarweye ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, qaraxa waxaa ku dhaawacmay darawalka xildhibaanka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid loogu xiray baabuurka uu ku dhintay.

Qaraxa kaddib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo baaritaano ka sameeyay goobta qaraxa uu ka dhacay.

Ma jiro cid sheegatay qaraxa uu ku dhintay xildhibaanka ka tirsan maamulka HirShabeelle.

Radio Hormuud

Studio 4

Mogadishu Somalia

Category