Xubin sare oo ka tirsan ISIS oo lagu dilay Soomaaliya

Boosaaso (RH)- Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar shaley ka dhacay gobalka Bari ee Puntland, halkaasoo lagu dilay mid ah madaxda ururka Daacish ee Soomaaliya.

Diyaarad loo maleenayo in ay tahay mid dagaal ayaa duqeyn ka fulisay inta u dhexeeysa toolooyinka Xiriiro iyo Xumbeys oo ku yaalla gobalka Bari ee Puntland.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabijiray Cabdixakiin Maxamed Ibraahim kuna magacdheeraa Cabdixakiin Dhoqob, waxaa uu xubin sare ka ahaa Daacish gaar ahaan Puntland.

Cabdixakiin Dhoqob waxaa lala dilay qof kale oo aan la sheegin illaa hadda magaciisa kaasoo la socday baabuurka la duqeeyay.

Ninkan ayaa dadka yaqaanna ay sheegeen inuu horrey uga mid ahaa Al-Shabaab kuna biiray 2000.

Dhoqob wuxuu ahaa gacanta midig Sheekh Cabdiqaadir Muumin oo ah madaxa ISIS ee Soomaaliya, waxaana sannadkii 2015-kii ay ku biireen Daacish.

Dagaalyahanada Daacish ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa 200 illaa 300, sida laga soo xigtay dad khuburo ah.

Al-Shbaaab ayaa horrey wacad ugu martay in ay la dagaallami doonto Daacish, waxaana labada dhinac dhowr jeer dhex maray dagaallo.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category