Xubno ka Mid Ah Golaha Wasiirada Somaliland Oo  Maanta Dalka Dib Ugu Soo laabtay

Hargeysa(RH)Wasiirka Gaashaandhiga JSL Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac oo socdaal shaqo ku tagay dalka Jabuuti  ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo weftiga hoggaaminayey ayaa sheegay in booqashadoodu ay ka dhalatay martiqaad ay ka heleen Dawladda Jabuuti,  waxaanu  sheegay si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyey dalkaas.

Waxa kaloo Wasiirka Gaashaan-dhigu uu intaas ku daray in muddadii ay Jabuuti joogeen la kulmeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada, waxaanu xusay inay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta labada dal ee walaalaha ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dawladood.

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac ayaa isna dhinaciisa sheegay inay la kulmeen Wasiirrada Jabuuti ee qaabilsan dhinaca horumarinta labada dal.

 

Category