Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay Qabashada Shir Ku Saabsan Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda

Hargaysa(RH)Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda Somaliland Dr Cabdi Wali Sheikh Cabdilahi suufi oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in shir Qaran oo ku saabsan isgaadhsiinta iyo  technoolajiyada  lagu qaban doono dhawaan Somaliland.

gf

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in maanta dunida horumar baaxad leh ay ka gaadhay adeegsiga Tignoolajiyada sidaa daraadeedna ay soo dhawaynayaan cid kasta oo rabta in ay kasoo qeyb gasho shirkaasi, iyadoo la bilaabi doono diiwaan galinta cidii rabta inay ka qayb qaadato.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sheekh C.laahi Suufi waxa uu intaa ku daray in shirkaasi uu qabsoomi doono todobada bisha sagaalaad ee socoto isagoo socon doona mudo laba maalmood ah haduu Alle ogolaado

 

Category