Yuusu Garaad oo ka digey khilaafka DFS iyo maamul goboleeda waxa ka dhallankara.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka digay in khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada uu keeni karo dib u dhac ku yimaada dowladnimada.

Wuxuu sheegay inan loo baahneyn is-afgaranwaaga ka dhex jira dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada inuu heerka uu xilligan gaaray sare u dhafo, isagoo soo jeediyey in xaaladda lagu wajaho dulqaad iyo deganaan dan ugu jirto dowladnimada.

cdf

Kala-shakiga iyo is-af-garan-waaga Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu wuxuu dib-u-dhac u keeni karaa Dowladnimadeenna, mana ahan in uu heerkaan kor u sii dhaafo.

Waa lama huraan in dhinac kastaa uu arrinta ku wajaho maskax fayow, deggan, dulqaad leh, xal-doon ah oo u tureysa Dowladnimada Soomaaliya. ayuu ku yidhi fariintiisa uu soo dhigey barta facebook.

khilaafka ayaa taagen heer ay diideen maamul goboleedadu in ay habayaraatee wax xidhiidh ah la yeeshaan DFS.

Category