Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland.

Hargeysa(RH)Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay mawqifkeeda ku aadan Shirka  Brussels, ka qayb galka Shirka ee Faysal Cali Waraabhe,  is bedelka ku yimid Itoobiya iyo mawqifka Somaliland ee wada hadalada Somaliya

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa waxaa horeyn la weydiiyey

 

Waa maxay mawiqifkiina ku aadan Shirka Brussels?

 

Addis-Ababa(RH)Labada Dawlad Deegaan ee soomaalida itoobiya iyo oromada ayaa ku heshiiyey in hay’adaha nabadgalyada federaalku ay galaan goobaha xadka ah ee khilaafka labada deegaan ka jiro iyadoo labada madaxwayne ee dawlad deegaanada Soomaalida iyo oromada oo fulinaya islamarkaana ka duulaya amarka ka soo baxay Raisal wasaaraha JDFI Dr.

Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 16-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa diiradda lagu saaray tayeynta horumarinta waxbarashada dalka, xooggana loo saari lahaa, tababarrada macalimiinta, agabka waxbarashada, dhiirrigelinta dugsiyada farsamada gacanta iyo in dugsiyada gaarka loo leeyahay ay raacaan manhajka qaranka loo dejiyey.

 

Ceel-afweyne(RH)Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo wafdigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminaayay ayaa maanta shir-jaraa’id ku qabtay guriga martida ee degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag iyagoo ka hadlay halka ay u marayso hawshii nabadaynta ee ay halkaasi u joogeen muddo soona saaray 4 qodob oo lagu adkaynayo nabad-galyada deegaamadaasi looguna sii gogol xaadhayo shir nabadeed oo dhex mara dadka deegaankaasi.

 

Ceel-afweyn(RH)Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafdigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminaayay ayaa kormeer ku soo maray goobo ay si xawli ah uga socoto dhismaha wadada dheer ee ceerigaabo oo gabo-gabo ku dhaw, madaxweyne ku-xigeenka ayaa halkaasi warbiximo kaga qaatay sida ay u socoto hawsha dhismaha wadadu hawlwadeenada gacanta ku haya dhismaha jidkaasi dheer.

 

Gar-adag(RH)Madaxweyneku-xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa kulan la qaatay wax-garadka iyo cuqaasha degmada gar-adag ee gobolka sanaag, wafdidani uu hogaaminaayo madaxweyne ku-xigeenku ayaa kala hadlay dadka deegaankaasi sidii ay u xoojin lahaayeen nabadgelyadda maadama deegaanka ceel-afweyn oo ku dhaw dagmada gar-adag ay ka dhacday dirir u dhaxaysa dadka deegaankaasi.

 

Hargeysa(RH):-Xukuumada Somaliland ayaa Wafti Balaadhan oo Ergo ah u dirtay deegaanka ee Ceel-afwayn ee Gobolka Sanaag ee ay ka dhacday dirir mudada soo noqnoqtay ee u dhaxaysa Beelo Walaalo ah oo Halkaasi wada-Daga Waftigan ayaa ka Ambabaxay  magaalada Hargaysa Waxaanay ka kooban yihiin Culimada waddanka aad looga tixgaliyo oo ay ka mid yihiin

 

Maxamuud suufi Muxumed Wasiirkii hore ee diinta iyo aw-qaafta