BBC Somali

  11:00 GMT

  14:00 GMT

  18:00 GMT



Newsletter






Current Stats
12 visitors online
Total visits: 552258
View Stats
Job i Kolding område
Altaqwaa
Amin Arts
Koldingkommune
VOA
Geeska Afrika
Hadhwanaagnews
Misterwhat
Hiiraan Online
Hornafrik
Qarannews
Maktabada
Gabilley
CALANKA
Mudug-online
TvSleurope
Somaliland.org
Qorahey online
Radio Copenhagen
Radio Hargeysa
RTD- Djibouti
Shabeele
Somaliweyn
Somalitribune
Somalitalk
Somalilandnet
Togdheernews
Radio Hirad
HEESO NOOC WALBA LEH.
Afnugaal
Ducaale
All Puntland
Saacadaha dunida
Somalilandinfo
Youtube
Redsea-online
Aflax
Kolding Byrådes debat
SDWO
Ramaasnews
Harowo
oodwaynenews
Radiofreesomalia
Goljano
Hiiraanlive. New
Warya TV
Haatuf
Radio Warsan
Jamhuuriya
DR Nyheder
Dhegayso EAVAFM
Somalimediastation
HALBEEG NEWS
washaaqo.com
Wardheernews
SSE Website
Hiiraanlive. New
bclub19. New
Qumaati. New
WAASAN
SS Alberta-Canada
HARGEISA SPORTS

Waqtiga Salaada
SalaadaCopenhagen
Fajr04:15
Shuruq05:56
Dhuhr13:14
Asr17:08
Maghrib20:30
Isha22:04


Dad hor leh oo cudurka shubanka ugu dhintay Burco


Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Qaadhaan Ururin la Samaynayo 18-ka May


Fariinta Madaxweynaha Somaliland Ee 18 May Iyo Abaaraha


Afhayeenka madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay saamiga la siiyey Itoobiya ee dekedda Berbera


Shirar hordhac u ah shirka London oo maanta dhacay


Hantidhowrka guud ee Soomaaliya oo xilka laga qaaday


Waalidiintii Dhaley 20 Hablood Ee lagala Baxay School Boodhina Oo Warbaahinta la Hadley


Wasiirka Arimaha Gudaha S/land Oo ka Hadley Hablo lagala Baxay School Boodhina


Xukuumada Somaliland Oo Sanadkan Joojisay Xuskii 18 May


Muqdisho waxaa ka socda kulamo looga hadlayo shirka London


Madaxweynaha CAF oo booqasho ku tagay Muqdisho

Wargelin: Latest news from Denmark and the rest of the world - Newsletter - - -
Hormuud News     Wednesday, August 23rd, 2017 | 15:42
[Thursday, June 8th, 17] :: Musharaxa Iyo Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo laabtey

Share |
news image

Hargeysa(RH)Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) iyo hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Cali ayaa maanta dalka ku soo guryo noqday ka dib safar ay mudo ugu maqnaayeen dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta.


Labadan Masuul ee ugu sareeya xisbiga Waddani ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa kadib markii ay ka soo dageen garoonka diyaaraha ee caasimada Somaliland, halkaas oo ay madaarka kaga hortageen masuuliyiin iyo taageerayaal ka tirsan xisbiga Waddani.


Ugu horayn Gudoomiyaha xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo warbaahinta kula hadlay Madaarka Hargeysa ayaa sheegay in xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay ugu baaqayaan inay dhamaystirto lacagta doorashada lagu galayo maadaama oo doorashada ay wakhti yari ka hadhasan yahay, waxaanu sidoo kale Mr Ciro usoo jeediyey Komishanka Doorashooyinka inay cayimaan maalinta ay qabsoomayso doorashadu. Gudoomiyaha Cabdiraxmaan oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Ramadaan Kariim: marka hore illaahay bishan barakaysan danbi dhaafkeeda ha ina siiyo, ajarkeedana ha ina siiyo. Marka labaad waxaan tacsiyadaynayaa shacabkii reer Somaliland intii ku geeriyootay shuban biyoodka dhammaan gobolada Jamhuuriyada Somaliland ee uu ka dhacay shuban biyoodku.


Waxa kale oo oo tacsiyadaynayaa nin weyn oo reer Somaliland ah oo aad ka war haysaan Mujaahid Marxuum Maxamed Biixi Caalin ‘Ooto”, illaahay isna samair iyo iimaan ha inaga siiyo dhammaanteen.” ayuu yidhi Gudoomiye Ciro.


Sidoo kale Musharaxa Xisbiga Waddani ayaa mar uu si kooban uga hadlay ujeedada socdaalkii ay isaga iyo Hoggaamiye Xirsi ugu maqnayeen Imaaraadka Carabta waxa uu yidhi “Safarkayagu wuu koobnaa waxaanu ku koobnaa hawlo Qaran iyo hawlo Xisbiba, mudadaa aanu maqnay waxaad ogaydeen in xisbiga Waddani uu si balaadhan uga qaybgalay gurmadka shuban biyoodka, waxaanad ka war-qabtaan Xisbiga WADDANI wuxuu ahaa Xisbigii ugu horeeyey ee ka qayb-qaata taakulada shuban biyoodka wixii kale ee suurta gal ahna waanu soo wadnaa haddii illaahay ka dhigo.


Intii aanu halkaa (Dubai) ku maqnay wadankii aanu tagnay masuuliyiintiisa cid ayaanu ka aragnay guud ahaan, madax-da Xisbiga WADDANI iyo taageerayaasha wadamadaas waanu la soo kullanay iyo guud ahaanba jaaliyada reer Somaliland ee halkaa ku sugan.


Gabagabadii musharaxa Xisbiga Waddani mar uu ka hadlay arimaha doorashada fooda inagu soo haysa, isla markaana uu baaqyo kala duwan u diray Xukuumada Maxaxweyne Siilaanyo iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa waxa uu yidhi “Waxa aynu u diyaargaroobaynaa xili doorasho, goboladan laga bilaabayo kaadh qaadashada waa labadii gobo lee ugu waaweynaa Jamhuuriyada Somaliland ee Maroodi Jeex iyo Togdheer, shacabka waxaanu ugu baaqaynaa inkastoo duruufo adagi jiraan inay u diyaargaroobaan qaadashada kaadhadhka abaaraa inagu dhacay oo dad badan oo kaadhadhka qaadan lahaa may imanin sidii ka cadaatay Awdal iyo Saaxil, markaa waxaan ugu baaqayaa muwaadin kastaa inuu ku dedaalo inuu qaato kaadhka si uu u helo xaqiisa codaynta.Xukuumada waxaanu usoo jeedinaynaa maadaama oo wakhtiga hadhayba uu aad u yaryahay inay lacagtii doorashada dhamaystirto, Komishanka doorashadana waxaanu ugu baaqaynaa inay si rasmi ah usoo saaraan cayimaada maalinta doorashada” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.


Dhinaca kale Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Xaaji Cali oo isna ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa faah-faahin ka bixiyey ujeedada safarkii ay isaga iyo musharax Cirro ku tageen dalka imaaraadka waxaanu ku bilaabay haddalkiisa “Xisbiga inta halkan joogta ee na soo dhaweysay iyo saxaafada waan idin salaamayaa dhammaantiin, salaan kadib waad ku mahadsantihiin saaxafad iyo haddii ay yihiin madax-da xisbiga ee na soo dhaweysay-ba, waxaanu ku nimi saaka nabad-qab, safarkayagii oo ahaa imaaraadka Dubai , waxa uu noogu soo dhamaaday si guul leh, hawlihii aanu u soconay ee Xisbiga iyo wixii kale ee nagaga soo baydha arrin qaran ee aanu markaa aragnay waxay noogu dhammaatay si wanaagsan oo guul leh, hawlahayagii Xisbiga iyo shaqooyinkii aanu u tagnay si wanaagsan ayey noogu dhammaadeen”Ayuu yidhi hoggaamiye Xirsi.


Radio Hormuud
Studio 2
Hargeysa/Somaliland
 

posted on Thursday, June 8th, 17
Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed
  |  Daabac Boggan email ugu dir saaxiib

Madaxweynaha Somaliland Oo Waraysi-Siiyey Warbaahinta Dowlada


Wasiir Xukuumada Somaliland ka Difaacay Eedo loo Jeediyey


Madaxtooyada S/land Oo ka Hadashay Mudahaarad ka Dhacay Gabiley


Maamulka Gobolka Sanaag Oo ka Hadley Xaalada Nabadgalyo ee Gobolkaasi


Ceelbiyood Laga Hirgalindoono Gobolka Hawd Oo la Daahfurey


Duqa Minneapolis oo ka hadashay dilka askari dilkii Justine Damond


Gudoomiyaha Waddani oo Khudbad u Jeediyey Shacabka Balli-gubadle


Dhageyso: Khudbadda madaxweynaha uu u jeediyey Baarlamaanka


Madaxweynaha Somaliland Oo Beeniyey inuu Xanuun U Jiifo


Akademiyada Cilmiga Soomaaliya iyo Suugaanta iyo 40 Jaamacadood oo Muqdisho ku kulmay


Air Arabia oo Duulimaad ka Billowday Hargeysa


Ninkii Dilay Wasiir Cabaas oo Dil lagu Xukumay


Dowladda Soomaaliya oo qabatay madixii amniyaadka Shabaab ee gobalka Banaadir


Wasarada Waxbarashada S/land Oo Go”aamo Adag Ka Soo Saartay Imtixaanaadka Shahadiga


Kooxda Muqdisho oo Guulo ka Gaartay Tartan ka Socda Nairobi


Dowladda oo sheegtay in 50 Shabaab in ay isku soo dhiibeyn


Wiil Soomaali ah oo dil ka geestay Australia


Xanuunka Shuban-Biyoodka Oo ka Dilaacay Gobolka Awdal


Boosaaso oo lagu qabtay gaari qaraxyo sida iyo labo nin oo la socday


Dawladda oo faahfaahin ka bixisay diyaaraddii ku dhacday Muqdisho