BBC Somali

  11:00 GMT

  14:00 GMT

  18:00 GMT



Newsletter






Current Stats
14 visitors online
Total visits: 552258
View Stats
Job i Kolding område
Altaqwaa
Amin Arts
Koldingkommune
VOA
Geeska Afrika
Hadhwanaagnews
Misterwhat
Hiiraan Online
Hornafrik
Qarannews
Maktabada
Gabilley
CALANKA
Mudug-online
TvSleurope
Somaliland.org
Qorahey online
Radio Copenhagen
Radio Hargeysa
RTD- Djibouti
Shabeele
Somaliweyn
Somalitribune
Somalitalk
Somalilandnet
Togdheernews
Radio Hirad
HEESO NOOC WALBA LEH.
Afnugaal
Ducaale
All Puntland
Saacadaha dunida
Somalilandinfo
Youtube
Redsea-online
Aflax
Kolding Byrådes debat
SDWO
Ramaasnews
Harowo
oodwaynenews
Radiofreesomalia
Goljano
Hiiraanlive. New
Warya TV
Haatuf
Radio Warsan
Jamhuuriya
DR Nyheder
Dhegayso EAVAFM
Somalimediastation
HALBEEG NEWS
washaaqo.com
Wardheernews
SSE Website
Hiiraanlive. New
bclub19. New
Qumaati. New
WAASAN
SS Alberta-Canada
HARGEISA SPORTS

Waqtiga Salaada
SalaadaCopenhagen
Fajr04:15
Shuruq05:56
Dhuhr13:14
Asr17:08
Maghrib20:30
Isha22:04


Dad hor leh oo cudurka shubanka ugu dhintay Burco


Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Qaadhaan Ururin la Samaynayo 18-ka May


Fariinta Madaxweynaha Somaliland Ee 18 May Iyo Abaaraha


Afhayeenka madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay saamiga la siiyey Itoobiya ee dekedda Berbera


Shirar hordhac u ah shirka London oo maanta dhacay


Hantidhowrka guud ee Soomaaliya oo xilka laga qaaday


Waalidiintii Dhaley 20 Hablood Ee lagala Baxay School Boodhina Oo Warbaahinta la Hadley


Wasiirka Arimaha Gudaha S/land Oo ka Hadley Hablo lagala Baxay School Boodhina


Xukuumada Somaliland Oo Sanadkan Joojisay Xuskii 18 May


Muqdisho waxaa ka socda kulamo looga hadlayo shirka London


Madaxweynaha CAF oo booqasho ku tagay Muqdisho

Wargelin: Latest news from Denmark and the rest of the world - Newsletter - - -
Hormuud News     Wednesday, August 23rd, 2017 | 15:44
[Thursday, June 8th, 17] :: Madaxweynaha Somaliland Oo Digreeto Uu Soo Saarey ku aas-aasay Dhismaha Wakaaladd Horumarineed

Share |
news image

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4859/062017 uu ku aas-aasay dhismaha wakaaladda horumarinta xabkaha iyo faleenka ee Jamhuuriyadda Somaliland, kuna magacaabay Maareeye iyo Maareeye ku xigeenka Wakaaladda Xabkaha iyo Faleenka.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobbada 90aad iyo 113aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qodobka 63(3) ee Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan ee Xeer Lr. 71/2015;Markuu Arkay: In khayraadka dabiiciga ah ee xabkaha iyo faleenka dalku kaalin mug leh ka qaadan karto horumarinta dhaqaalaha dalka;

Markuu Garwaaqsaday: In ay waajib tahay in Xukuumaddu kaalin weyn ka qaadato daryeelka iyo horumarinta khayraadka xabkaha iyo faleenka, si looga badbaadiyo saamaynta ay ku keeni karto isbeddelada dabiiciga ah ee cimillada iyo abaaruhu;

Markuu Garwaaqsaday: In ay Xukuumaddu hormuud ka tahay dhiiri-gelinta iyo horumarinta iskaashatooyinka wax soo saarka iyo ka ganacsiga xabkaha iyo faleenka, si kor loogu qaado dhaqaalaha bulshada;

Markuu Xaqiiqsaday: In loo baahan yahay in la abuuro fursadaha suuq-geynta xabkaha iyo faleenka, si kor loogu qaado ka ganacsiga khayraadka xabkaha iyo faleenka dalka;

Markuu Hubsaday: In Qaranku u baahan-yahay hay'ad dawladeed oo si gaar ah ugu xil-saaran horumarinta iyo ka ganacsiga khayraadka xabkaha iyo faleenka dalka;

Markuu Si Xeel Dheer: Ula tashaday dadweynaha iyo laamaha dawladeed ee ay khuseyso;

Wuxuu Soo Saaray;

Xeerkan oo lagu aasaasayo Wakaaladda Horumarinta Xabkaha iyo Faleenka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Qodobka 1aad
Dhismaha Wakaaladda

1) Waxa halkan lagu Aasaasay Wakaaladda Horumarinta Khayraadka Xabkaha iyo Faleenka oo yeelanaysa jiritaan qaanuuni ah, isla markaana u madax-bannaan hawleheeda shaqo iyo maaliyadeed, iyada oo u gudanaysa xilkeeda si waafaqsan dastuurka, xeerarka iyo siyaasadaha dalka.

2) Wakaaladda Horumarinta Xabkaha iyo Faleenku waxay hoos tagi doontaa Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah oo ku yeelan doonta awoodaha ay ka mid yihiin:

a) Kormeerka iyo dabagalka sida: Helidda war-bixinnada shaqada, maaliyadda, iyo u gudbinta Xukuumadda Dhexe odoraska sannad-miisaaniyadeedka Wakaaladda, ka dib marka ay masuuliyiinta Wakaaladdu u soo gudbiso.
b) Ka taakulaynta Wakaaladda diyaarinta qorshayaasha, siyaasadaha iyo kor u qaadidda xirfadaha iyo aqoonta hawl-wadeennada Wakaaladda.

Qodobka 2aad
Xilka iyo Waajibaadka Wakaaladda

Xilka iyo waajibaadka Wakaaladda Horumarinta Xabkaha iyo Faleenka waxa ka mid ah:
1) Dhaqan-gelinta siyaasadaha iyo mashaariicda horumarineed ee Xukuumadda ee lagu horumarinayo khayraadka xabkaha iyo faleenka dalka.


2) Dejinta qorshayaasha iyo halbeegyada shaqo ee Wakaaladda, si waafaqsan qorshaha iyo barnaamijyada guud ee Xukuumadda.
3) Dejinta qorshayaal iyo cilmi-baadhis lagama maarmaan u ah horumarinta iyo ka faa'iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee xabkaha iyo faleenka dalka, iyada oo loo eegayo horumarinta xaga wax soo saarka, ka ganacsiga iyo suuq-gaynta.
4) Ku dhiiri-gelinta beeralayda iyo iskaashatooyinka wax soo saarka iyo horumarinta xabkaha iyo faleenka oo ku dhisan nidaam casriyeysan.
5) Dhismaha iyo abaabulka iskaashatooyinka ka ganacsiga khayraadka xabkaha iyo faleenka.
6) Ka hawl-gelidda iyo abuuridda suuqyada ganacsiga xabkaha iyo faleenka ee dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba.
7) Diyaarinta iyo u soo bandhigidda Xukuumadda qorshayaasha horumarinta ganacsiga xabkaha iyo faleenka dalka.
8) Diyaarinta iyo fulinta tallaabo kasta oo kale oo looga gol-leeyahay xaqiijinta ka faa'iidaysiga xabkaha, si loo hir-geliyo loona gaadho hiigsiga Xukuumadda ee koboca dhaqaalaha dalka.
9) Fulinta hawlaha kale ee Xeerka Dhismaha Wakaaladda iyo Xeerarka kale ee khuseeya ee awoodda siinaya Wakaaladda.

Qodobka 3aad
Maamulka iyo Qaab-dhismeedka

1) Wakaaladdu waxay yeelanaysaa Maareeye iyo Maareeye Ku-xigeen uu magacaabo Madaxweynuhu, ka dib marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah.
2) Qaab-dhismeedka iyo Awoodaha Wakaaladda, Xilka iyo Waajibaadka Maareeyaha, Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah, waxa lagu faah-faahin doonaa Xeerka Dhismaha Wakaaladda, si waafaqsan Qodobka 122aad ee Dastuurka iyo Qodobbada 64aad illaa 68aad ee Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan ee Xeer Lr. 71/2015.


Magacaabida Maareeyaha iyo Maareeye ku xigeenka

 Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Wakaaladda Xabkaha iyo Faleenku ee Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay dhismaha iyo horumarinta Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagada Maareeyaha iyo Maareeye ku xigeenka Wakaaladda Xabkaha iyo Faleenka ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdillaahi Maxamed Jaamac (Caray), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Wakaaladda Xabkaha iyo Faleenka ee Jamhuuriyadda Somaliland.In Mudane, Axmed Maxamed Xasan (Baradho), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Xabkaha iyo Faleenka ee Jamhuuriyadda Somaliland.


Radio Hormuud

Studio 2

Hargeysa/Somaliland

 

 

posted on Thursday, June 8th, 17
Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed
  |  Daabac Boggan email ugu dir saaxiib

Madaxweynaha Somaliland Oo Waraysi-Siiyey Warbaahinta Dowlada


Wasiir Xukuumada Somaliland ka Difaacay Eedo loo Jeediyey


Madaxtooyada S/land Oo ka Hadashay Mudahaarad ka Dhacay Gabiley


Maamulka Gobolka Sanaag Oo ka Hadley Xaalada Nabadgalyo ee Gobolkaasi


Ceelbiyood Laga Hirgalindoono Gobolka Hawd Oo la Daahfurey


Duqa Minneapolis oo ka hadashay dilka askari dilkii Justine Damond


Gudoomiyaha Waddani oo Khudbad u Jeediyey Shacabka Balli-gubadle


Dhageyso: Khudbadda madaxweynaha uu u jeediyey Baarlamaanka


Madaxweynaha Somaliland Oo Beeniyey inuu Xanuun U Jiifo


Akademiyada Cilmiga Soomaaliya iyo Suugaanta iyo 40 Jaamacadood oo Muqdisho ku kulmay


Air Arabia oo Duulimaad ka Billowday Hargeysa


Ninkii Dilay Wasiir Cabaas oo Dil lagu Xukumay


Dowladda Soomaaliya oo qabatay madixii amniyaadka Shabaab ee gobalka Banaadir


Wasarada Waxbarashada S/land Oo Go”aamo Adag Ka Soo Saartay Imtixaanaadka Shahadiga


Kooxda Muqdisho oo Guulo ka Gaartay Tartan ka Socda Nairobi


Dowladda oo sheegtay in 50 Shabaab in ay isku soo dhiibeyn


Wiil Soomaali ah oo dil ka geestay Australia


Xanuunka Shuban-Biyoodka Oo ka Dilaacay Gobolka Awdal


Boosaaso oo lagu qabtay gaari qaraxyo sida iyo labo nin oo la socday


Dawladda oo faahfaahin ka bixisay diyaaraddii ku dhacday Muqdisho