BBC Somali

  11:00 GMT

  14:00 GMT

  18:00 GMT



Newsletter






Current Stats
13 visitors online
Total visits: 552258
View Stats
Job i Kolding område
Altaqwaa
Amin Arts
Koldingkommune
VOA
Geeska Afrika
Hadhwanaagnews
Misterwhat
Hiiraan Online
Hornafrik
Qarannews
Maktabada
Gabilley
CALANKA
Mudug-online
TvSleurope
Somaliland.org
Qorahey online
Radio Copenhagen
Radio Hargeysa
RTD- Djibouti
Shabeele
Somaliweyn
Somalitribune
Somalitalk
Somalilandnet
Togdheernews
Radio Hirad
HEESO NOOC WALBA LEH.
Afnugaal
Ducaale
All Puntland
Saacadaha dunida
Somalilandinfo
Youtube
Redsea-online
Aflax
Kolding Byrådes debat
SDWO
Ramaasnews
Harowo
oodwaynenews
Radiofreesomalia
Goljano
Hiiraanlive. New
Warya TV
Haatuf
Radio Warsan
Jamhuuriya
DR Nyheder
Dhegayso EAVAFM
Somalimediastation
HALBEEG NEWS
washaaqo.com
Wardheernews
SSE Website
Hiiraanlive. New
bclub19. New
Qumaati. New
WAASAN
SS Alberta-Canada
HARGEISA SPORTS

Waqtiga Salaada
SalaadaCopenhagen
Fajr04:15
Shuruq05:56
Dhuhr13:14
Asr17:08
Maghrib20:30
Isha22:04


Dad hor leh oo cudurka shubanka ugu dhintay Burco


Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Qaadhaan Ururin la Samaynayo 18-ka May


Fariinta Madaxweynaha Somaliland Ee 18 May Iyo Abaaraha


Afhayeenka madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay saamiga la siiyey Itoobiya ee dekedda Berbera


Shirar hordhac u ah shirka London oo maanta dhacay


Hantidhowrka guud ee Soomaaliya oo xilka laga qaaday


Waalidiintii Dhaley 20 Hablood Ee lagala Baxay School Boodhina Oo Warbaahinta la Hadley


Wasiirka Arimaha Gudaha S/land Oo ka Hadley Hablo lagala Baxay School Boodhina


Xukuumada Somaliland Oo Sanadkan Joojisay Xuskii 18 May


Muqdisho waxaa ka socda kulamo looga hadlayo shirka London


Madaxweynaha CAF oo booqasho ku tagay Muqdisho

Wargelin: Latest news from Denmark and the rest of the world - Newsletter - - -
Hormuud News     Wednesday, August 23rd, 2017 | 15:39
[Saturday, June 10th, 17] :: Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Afur Ah La Qaatay Culimada Dalka Kuna Dhawaaqay Guddida Golaha Culimada

Share |
news image

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo  afur u sameeyey culimada dalka intooda badan, sidii caadada u ahayd sanad walba marka ay bisha ramadaan soo gasho uu madaxweynuhu kulan afur ah la yeesho culimada dalka oo isaga yimaada gobolada ay ka kooban tahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid qiimo weyn leh, waxa halkaasi hadallo ka soo jeediyey qaar ka mid ah culimadii kulanka ka soo qaybgalay iyo xubno wasiiro ah oo uu ka mid yahay wasiirka diinta iyo awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo isagu halkaasi ka akhriyey guddida culimo ah, sida uu dhigayo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo noqon doona guddi isu dheelitiran ama istiro leeg, oo ay ansixin doonaan golaha guurtida Somaliland.

“Culimadiinna qiimaha badan, Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay in aan idinku marti-qaado Qasriga Madaxtooyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland looga taliyo. Ugu horreyn, waxaan jecelahay in aan idinku bogaadiyo culimo ahaan, doorka culus ee aad kaga jirtaan dhismaha Qaranka, gaar ahaan kaalintii aad ka soo qaadateen adkaynta nabadgelyada, dhex-dhexaadinta, xallinta khilaafaadka ama xurgufaha beelaha dhex mara, dib-u-dhiska iyo horumarka Dalka.

Ujeeddada ugu weyn ee aan caadada uga dhigay, in aynu kulanno bisha barakaysan ee Ramadaan, waxay salka ku haysaa, in aynu samayno wada-tashi. Waxaan soo dhaweynayaa dhaliilaha dhabta ah, ee loo jeedinayo maamulkayga. Waxaan soo dhaweynayaa wixii talo, tusaale iyo toosin ah, ee aad kulankan iigu soo gudbiseen, kuwaas oo aad uga gol-leedihiin in wax lagu hagaajiyo.

Waxaan diyaar u ahay, in aan dhug iyo dhaymo u yeesho, dardaaranka iyo dareenka umaddayda, culimo iyo caamo intaba. Waxaa iga go'an in aan ummadayda uga tago, dhaxal wanaagsan iyo hab-dhaqan dawladeed, oo la is-toosin karo. Sidaa darteed, uma aqaan ceeb, in la saxo qaladaadka ka dhaca ama ku yimaadda maamulka dawladnimo.

Culimadiinna qadarinta mudan, walaalayaal,

Xukuumaddaydu waxay kor u qaaday xidhiidhka iyo xurmada culimada dalka, taasina waxay sababtay is-kaashi iyo wada-shaqayn weyn, oo lagaga soo gudbay duruufo badan; sida la-dagaalanka aragtiyaha xag-jirka ah, ee lagu duufsado da'yarta diinta barata. Dhinaca kale, waxa ka mid ah in ay culimadu si weyn uga qayb-qaadatay gurmadka iyo gargaarka qaran, ee loo fidinayo dadka abaaruhu aafeeyeen.

In la sii wado is-kaashiga noocan ah, waa mid aan kula dardaarmi doono, culimada iyo cidda iga dambaysa, ee aan mas'uuliyadda dalka iyo dadka ku wareejin doono. Aniga oo tixgelinaya, codsigii aad culimo ahaan ii soo jeediseen, ee ku saabsanaa samaynta guddida culimada ee dastuurka ku xusan, waxaan u magacaabay laba xubnood oo ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo laba xubnood oo ka tirsan Golaha Guurtida, si ay u soo xulaan, una soo magacaabaan xubnaha Guddida Culimada Qaranka, isla markaana u gudbiyaan Golaha Guurtida, si ay u ansixiyaan. Farxad weyn bay ii tahay, in hawshaa la dhammaystiray muddadii aan xilka qarankan hayey.

Ugu dambayn, waxaan idinkula dardaarmayaa in aad xoojisaan midnimada iyo wada-shaqaynta culimada dhex-deeda. Sidoo kale, waxaan idinkula dardaarmayaa, in aad nagala shaqaysaan la dagaalanka bal-wadaha, figradaha xag jirka ah, qabyaaladda iyo ka hortagga kala qaybinta bulshada. Ducada badiya, dadkana khayrka u tilmaam”.

Ugu danbayn Xubnaha ay soo xuleen culimadu waxay kala yihiin sidan:
1. Sheekh Cabdilaahi Cali Boqore Jawhar
2. Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed
3. Sheekh Maxamed Cumar Dirir
4. Sheekh Dr Axmed Jaamac Ismaaciil
5. Sheekh Dr Cabdirashiid Sheekh Saalax
6. Sheekh Dr Xasan Sheekh Cali Warsame
7. Sheekh Dr Cumar Yuusuf Axmed
8. Sheekh Cabdilaahi Xasan Xaashi Barbarawi
9. Sheekh Cabdikariim Xasan Xoosh
10. Sheekh Maxamed Cali Jaamac (Gadhle)
11. Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Cabdi
12. Sheekh Maxamed Xasan Yuusuf (Agaasimaha guud ee guddida)
Guddidan culimadu waxa uu noqon doonaa mid ka duulidoona qoddobka 119aad, farqadiisa 1aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland”, qoddobka 116aad (Tirada Guddida iyo muddada xilka), qoddobka 117aad (Shuruudaha Xubnaha), qoddobka 118aad (Waxyaabaha Ka Reebban Xubnaha).

Radio Hormuud
Studio 2
Hargeysa/Somaliland

 

posted on Saturday, June 10th, 17
Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed
  |  Daabac Boggan email ugu dir saaxiib

Madaxweynaha Somaliland Oo Waraysi-Siiyey Warbaahinta Dowlada


Wasiir Xukuumada Somaliland ka Difaacay Eedo loo Jeediyey


Madaxtooyada S/land Oo ka Hadashay Mudahaarad ka Dhacay Gabiley


Maamulka Gobolka Sanaag Oo ka Hadley Xaalada Nabadgalyo ee Gobolkaasi


Ceelbiyood Laga Hirgalindoono Gobolka Hawd Oo la Daahfurey


Duqa Minneapolis oo ka hadashay dilka askari dilkii Justine Damond


Gudoomiyaha Waddani oo Khudbad u Jeediyey Shacabka Balli-gubadle


Dhageyso: Khudbadda madaxweynaha uu u jeediyey Baarlamaanka


Madaxweynaha Somaliland Oo Beeniyey inuu Xanuun U Jiifo


Akademiyada Cilmiga Soomaaliya iyo Suugaanta iyo 40 Jaamacadood oo Muqdisho ku kulmay


Air Arabia oo Duulimaad ka Billowday Hargeysa


Ninkii Dilay Wasiir Cabaas oo Dil lagu Xukumay


Dowladda Soomaaliya oo qabatay madixii amniyaadka Shabaab ee gobalka Banaadir


Wasarada Waxbarashada S/land Oo Go”aamo Adag Ka Soo Saartay Imtixaanaadka Shahadiga


Kooxda Muqdisho oo Guulo ka Gaartay Tartan ka Socda Nairobi


Dowladda oo sheegtay in 50 Shabaab in ay isku soo dhiibeyn


Wiil Soomaali ah oo dil ka geestay Australia


Xanuunka Shuban-Biyoodka Oo ka Dilaacay Gobolka Awdal


Boosaaso oo lagu qabtay gaari qaraxyo sida iyo labo nin oo la socday


Dawladda oo faahfaahin ka bixisay diyaaraddii ku dhacday Muqdisho