 Muqdisho (RH) Magaalada Muqdishu waxaa shaley soo gaaray wafdi heer sare oo ka socda dowladda Qadar oo dhawaan waddamada Sacuudiga ay ka mid yihiin ay xiriirka u jareyn.
Wafdiga tagay Muqdisho waxaa hoggaaminayey wasiiru dawlaha arirmaha dibedda Suldaan Bin Sacad Al-Muraykhi waxaana la sheegayaa in wasiirku uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Khayre.
Dowladda Qatar ayaa madaxweynaha Soomaaliya uga mahadcelisay sida dowladiisa dhexdhexaad uga noqotay xiisadda ka aloosan waddamada Khalajiika, kaddib markii Khaliijka ay u jareyn waddamada Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Masar.
Ma jirto wax saxaafadda laga siiyey booqashadii uu shaley ku yimid wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Qadar Muqdisho, waxaana kulamada labada dhinac ay ahaayen kuwa ay albaabaddu u xirnaa,waxaana inta ay socdeen diirrada lugu saaray xiriirka u dhaxeeya labada dowladood iyo sida loo xoojin karo.
Toddobaadkii horre waxaa Muqdishu joogay wasiir isaguna ka socda dawladda Sucuudiga.
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay meel dhexe iska taagayso khilaafka u dhexeeya labada dawladood, waxayna ku baaqday in nabadgelyo lagu dhammeeeyo khilaafadka.
Radio Hormuud
Studio 3
Muqdisho Somalia |