BBC Somali

  11:00 GMT

  14:00 GMT

  18:00 GMT



Newsletter






Current Stats
8 visitors online
Total visits: 555930
View Stats
Job i Kolding område
Altaqwaa
Amin Arts
Koldingkommune
VOA
Geeska Afrika
Hadhwanaagnews
Misterwhat
Hiiraan Online
Hornafrik
Qarannews
Maktabada
Gabilley
CALANKA
Mudug-online
TvSleurope
Somaliland.org
Qorahey online
Radio Copenhagen
Radio Hargeysa
RTD- Djibouti
Shabeele
Somaliweyn
Somalitribune
Somalitalk
Somalilandnet
Togdheernews
Radio Hirad
HEESO NOOC WALBA LEH.
Afnugaal
Ducaale
All Puntland
Saacadaha dunida
Somalilandinfo
Youtube
Redsea-online
Aflax
Kolding Byrådes debat
SDWO
Ramaasnews
Harowo
oodwaynenews
Radiofreesomalia
Goljano
Hiiraanlive. New
Warya TV
Haatuf
Radio Warsan
Jamhuuriya
DR Nyheder
Dhegayso EAVAFM
Somalimediastation
HALBEEG NEWS
washaaqo.com
Wardheernews
SSE Website
Hiiraanlive. New
bclub19. New
Qumaati. New
WAASAN
SS Alberta-Canada
HARGEISA SPORTS

Waqtiga Salaada
SalaadaCopenhagen
Fajr07:02
Shuruq08:53
Dhuhr12:57
Asr14:36
Maghrib16:59
Isha18:44


Kooxda Muqdisho oo Guulo ka Gaartay Tartan ka Socda Nairobi


Dowladda oo sheegtay in 50 Shabaab in ay isku soo dhiibeyn


Wiil Soomaali ah oo dil ka geestay Australia


Xanuunka Shuban-Biyoodka Oo ka Dilaacay Gobolka Awdal


Boosaaso oo lagu qabtay gaari qaraxyo sida iyo labo nin oo la socday


Dawladda oo faahfaahin ka bixisay diyaaraddii ku dhacday Muqdisho


Dad hor leh oo cudurka shubanka ugu dhintay Burco


Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Qaadhaan Ururin la Samaynayo 18-ka May


Fariinta Madaxweynaha Somaliland Ee 18 May Iyo Abaaraha


Afhayeenka madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay saamiga la siiyey Itoobiya ee dekedda Berbera


Shirar hordhac u ah shirka London oo maanta dhacay

Wargelin: Latest news from Denmark and the rest of the world - Newsletter - - -
Hormuud News     Monday, November 20th, 2017 | 14:25
[Thursday, November 9th, 17] :: Xisbiga KULMIYE Oo Maanta Soo Gunaanaday Ololihiisii Doorashada Madaxtooyada Somaliland

Share |
news image

Hargeysa(RH)Xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa ololihiisa toddobada maalmood ee doorashada Madaxtooyada dalka ku soo khatimay wacdaro leh astaanta guusha.


Kumanaan iyo kumanaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay xidhitaanka ololaha xisbiga ee socday toddobada maalmood oo maalintiisii u dambaysay ay ahayd maanta, ayaa isu-soo-baxyo mahrajaanno indho-daraandar ah ka sameeyey dalka oo dhan, iyadoo shacabka bannaanbaxyada taageerada KULMIYE maanta ka sameeyey magaalooyinka waawayn sida Hargeysa, Burco, Boorama, Berbera, Ceerigaabo, Laascaanood, Caynaba, Oodweyne, Balligubadle, Gabiley iyo Saylac waxay suuqyada iyo shaaracyadoodu u eekaayeen kuwa isu rogay midabka calanka xisbiga KULMIYE ee ka kooban laba midab ee Huruudda iyo Doogga, taas oo muujisay sadaal guul cad oo xisbiga KULMIYE ka soo hoyn doono doorashada Madaxtooyada.


Taageerayaal aan farahooda la qiyaasi karin oo ka mid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa isu soo bax qarqiyey jidadka, suuqyada iyo xaafadaha shanta degmo ee magaalada oo ay sida daadadka socod ku mareen ku soo bandhigay taageerada KULMIYE, kuwaas oo markii dambey isugu soo biyo-shubtay xarunta Khayriyada oo markii ay buux-dhaaftay ay taageerayaashu safaf dhaadheer u galay waddooyinka kala duwan eek u hareeraysan fagaarahaas.


Kumanaanka taageerayaasha KULMIYE ah ee isugu soo baxay magaalada Hargeysa oo iyagoo si qurux badan ugu soo lebbistay astaanta KULMIYE ku dhawaaqayey erayo iyo hal-ku-dhegyo ay ku tilmaamayeen guusha xisbiga iyo murrashaxiintiisa oo ay ka mid ahaayeen ‘Waa gunnaanadkii guulayso’, ‘Geesigii wuu guulaystay’ iyo qaar kale oo badan, waxaanna isu soo baxa fagaaraha beerta Xorriyadda kala qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xibsiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo madaxda iyo haldoorka kale ee xukuumadda iyo xisbigaba Guddoomiyaha Ololaha Gobolka Maroodi-jeex Md. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, Masuuliyiin iyo siyaasiyiin miisaan leh oo ka tirsan xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Wasiirrada wasaaradaha Xannaanada Xoolaha Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse iyo Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, siyaasi Xuseen Cali Ducaale Cawil, Siyaasi Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo xubno kale oo ka hadlay fagaaraha, ayaa bogaadiyey taageerayaasha KULMIYE ee caasimadda Hargeysa, waxaanay ku adkeeyeen inay codkooda si ka fiirsasho leh u siiyaan xisbiga iyo murrashaxiintiisa taageer muujiyeen.


Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sharraxaad ka bixiyey xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa waqtigan, waxaannu xusay in baahi badan loo qabo sidii ay bulshadu u cugan lahayd hoggaamiye karti leh oo beddela Madaxweynaha xilligan dalka ka taliya, waxaannu yidhi, “Innagu KULMIYE ayeynu nahay oo xisbigii midnimada, wadajirka, waxqabadka, midnimada iyo xisbigii qaranimada, waxanaynu wadanaa laba murrashax oo ummaddu garanayso oo iyagu dalka gur-guri iyo geed-geed qaranka u garanaya, mana wadanno murrashaxiin dhegta wax loo saarayo’e waxa aynu wadanaa murrashaxiin hal-abuur leh oo hindise iyo hiigsi leh, qarankanina waxa uu u baahan yahay hoggaamiyo wanaagsan, waxaana soo maamulay hoggaamiye fiican oo Axmed Siilaanyo ah, ninka kabihiisa gashanayaana waa inuu noqdaa hoggaamiye wacan.” “Hoggaaminta qaranka waxa u tartamaya laba nin oo wanaagsan iyo hoggaamiye wanaagsan, qarankuna waxa uu u baahanyahay hoggaamiye wanaagsan ee uma baahna rag wanaagsan, ragga wanaagsanna waxa u baahan guryahooda iyo qoysaskooda, qaranna uma arrimiyaan, qarankana waxa u arrimiya hoggaamiye wanaagsa, Muuse Biixi Cabdi-na waa hoggaamiye wanaagsan,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.
Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad uu kusoo khatimay khudbadihii uu muddadii toddobaadka ahayd ee ololuhu socday kasoo waday gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa farta ku fiiqay siyaabaha uu doonayo in dhaqaalaha dalka lagu kobciyo, waxaannu yidhi, “Horumar dhaqaale waxa aynu ku gaadhi karnaa ugu horrayn inaynu soo saarnaa cunto innagu filan, marka labaad waxa aynu dhawraynaa ragga iyo hablaha baayac-mushtariga ah ee shirkadaha gaarka ah sameeyey ee iyaga oo aan bangi iyo ictiraaf haysanin inoo sameeyey shirkadaha waaweyn ee caalamka la xidhiidha, iyagana waxa ku waajib ah in xoolaha ay dalka ka heleen geliyaan dhulka oo ay wershado iyo shaqo ku abuuraan, labadaas marka aynu isla helno ayeynu horumar iyo shaqo keenaynaa.”


Murrashaxu waxa uu bulshada ugu baaqay inay kala doortaan horumarka iyo dedaalka KULMIYE ku hawllan yahay iyo dhibaatada ay Soomaaliya soo dhexmarinayso xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, “Maanta Somaliland codkiina ayey u baahan tahay oo qaranka Somaliland baa codkiina ku dhismayee kala doorta horumarka iyo dib-u-dhaca, kala doorta Koonfur oo innagu qososha oo inoo dabbaaldegta iyo Koonfur oo waxa ay doonayso aynu diidno, kala doorta xadkeena iyo qaranimadeena oo aynu ilaalino oo aynu ciidankeena dhisno iyo in aynu baylah noqono, codkeennuse waa nabadda iyo icitraafka,” ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.


Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isagu soo afmeeray maalinta toddobaad ee ololaha xisbiga KULMIYE, isla markaana cod dheer bulshada reer Somaliland ugu sheegay inay murrashax Muuse Biixi iyo ku-xigeenkiisa hoggaaminta dalka u daba-fadhiistaan, ayaa shaaciyey inuu ummadda u cugay murrashaxiin sii ambo-qaadi kara horumarkii uu dalka ka sameeyey muddadii uu hoggaaminta soo hayey, waxaannu yidhi, “Si horumarka iyo waxqabadka xisbiga KULMIYE uu taabbogeliyey, halkaa uu uga sii tisqaado waxaan ugu baaqayaa, shacbiga Somaliland inay taageeraan, isla markaana u codeeyaan, murrashaxiinta Xisbiga KULMIYE. Waxaan aaminsanahay in Mudane, Muuse Biixi Cabdi uu yahay hoggaamiyaha ugu habboon ee halkaa ka sii wadi kara hiigsigii uu lahaa Xisbiga KULMIYE iyo horumarka uu dalku u baahan-yahay mustaqbalka dhaw iyo ka dheerba.”


Sidoo kale, isu-soo-baxyo baaxaddooda aad u ballaadhan tahay oo shacabka reer Somaliland si siman ugu soo bandhigeen heerka ay taagantahay taageeradooda ay u hayaan xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa ka qaybsoomay magaalooyinka Boorama, Burco, Gabiley, Berbera, Ceerigaabo, Laascaanood, Caynaba, Oodweyne, Balligubadle iyo Saylac, kuwaas oo ay kala qaybgaleen madax kala duwan oo uu ka mid yahay Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna murrashaxa jagada Madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), xubno hoggaanka sare ee KULMIYE ka mid ah, wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo guddiyada ololaha xisbiga ee gobollada kala duwan ee dalka.

Radio Hormuud
Studio 2
Hargeysa/Somaliland

 

posted on Thursday, November 9th, 17
Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed
  |  Daabac Boggan email ugu dir saaxiib

DHAGEYSO: Guddiga doorashada Somaliland oo ka hadlay tirinta codadka


Madaxweyne Farmaajo ka hadlay mucaaradnimada lagu hayo dowladiisa


Madaxweyne Ku-Xigeenka S/land Oo lagu soodhaweeyey Gobolka Hawd


Dowladda oo shaacisay dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarkii Soobbe


Gudoomiyaha Kumeel Gaadhka Ah Ee Xisbiga UCID Oo Dalka Lagu Soo Dhaweeyey


Xafiiska tallo bixinta dhaqaalaha ee Kolding


Madaxweynaha Somaliland Oo Waraysi-Siiyey Warbaahinta Dowlada


Wasiir Xukuumada Somaliland ka Difaacay Eedo loo Jeediyey


Madaxtooyada S/land Oo ka Hadashay Mudahaarad ka Dhacay Gabiley


Maamulka Gobolka Sanaag Oo ka Hadley Xaalada Nabadgalyo ee Gobolkaasi


Ceelbiyood Laga Hirgalindoono Gobolka Hawd Oo la Daahfurey


Duqa Minneapolis oo ka hadashay dilka askari dilkii Justine Damond


Gudoomiyaha Waddani oo Khudbad u Jeediyey Shacabka Balli-gubadle


Dhageyso: Khudbadda madaxweynaha uu u jeediyey Baarlamaanka


Madaxweynaha Somaliland Oo Beeniyey inuu Xanuun U Jiifo


Akademiyada Cilmiga Soomaaliya iyo Suugaanta iyo 40 Jaamacadood oo Muqdisho ku kulmay


Air Arabia oo Duulimaad ka Billowday Hargeysa


Ninkii Dilay Wasiir Cabaas oo Dil lagu Xukumay


Dowladda Soomaaliya oo qabatay madixii amniyaadka Shabaab ee gobalka Banaadir


Wasarada Waxbarashada S/land Oo Go”aamo Adag Ka Soo Saartay Imtixaanaadka Shahadiga