 Jowhar (RH) Xildhibaannada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta oo Arbaca ah fadhi ay ku yeesheen magaalada Jowhar waxa ay ku meel mariyeen meel golaha wasiirada cusub ee maamulkaas oo dhawaan uu soo magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdi Waarre.
Fadhiga maanta oo ay joogeen 79 xildhibaan ayaa 77 ka mid waxa ay cod gacan taag ah ku ansiyeen golaha wasiirada, labo xildhibaa ayaa diiday mana jirin wax ka aamusay, sidaas waxaa sheegay guddoomiyaha baarlamaanka HirShbaeelle Sheekh Cismaa Barre Macallin.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sidoo kale sheegay in golaha wasiirada cusub ee HirShabeelle ay heleen codka kalsoonida baarlamaanka sidaas darteed ay yihiin kuwa anasax ah.
Madaxweynaha HirShabeelle iyo ku xigeenkiisa ayaa gooboog ka ahaa fadhiga maanta ee baarlamaanka sidoo kale waxaa ku sugan ku sugnaa golaha wasiirada ee cusub.
Intaa kaddib, golaha wasiirada cusub ayaa la dhaariyey, waxaana dhaariyey guddoomiyaha maxkamadda gobalka Shabeellaha Dhexe Sheekh Axmed Siid.
Madaxweynaha HirShabeelle oo intaas kaddib kulanka ka jeediyey khudbad ayaa marka horre u mahadceliyey xildhibaannada baarlamaanka ee codka kalsoonida siiyey golaha wasiirada uu soo magacaabay 29-kii bishii horre.
Madaxweyne Waarre ayaa ballan qaaday in uu sixi doono wixii khalad ah ee dhacay isla markaanna safarkii dhabta uu hadda billowday.
Waxa uu sheegay in ay ka shaqeen doonnaa ammaanka deegannada HirShbabeelle iyo sidii loo horumarin lahaa.
Madaxweynahaha HirShabeelle ayaa sidoo kale sheegay in deegannada HirShabeelle ay soo galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo ka soo cararay goballada Shabeelleaha Hoose iyo Baay halkaasoo dhawaan diyaaradaha Mareykanka ay ka fulinayeen duqeymo lagu bartilmaameesanayo dagaal yahanada Al-Shababa.
“Culeys aan horrey u jirin ayaa ku soo kordhay HirShabeelle waana saddax arrin howgallo xoog badan oo ka socda goballlada Koonfur naga jira ayaa sababay in Shabaab badan ay soo galaan deegananda HirShabeelle”ayuu yiri Waarre.
Si kastaba, golaha wasiirada ee maanta xildhibaannada ay ansixiyeen waxaa u yaalla qorshayaal fara badan oo HirShabeelle laga dhaqaajin karo halka ay maanta joogto.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia |