 Gaalkacyo (RH) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya ay goordhow ka dageen magaalada Gaalkacyo ee xarrunta gobalka Mudug.
Wafdiga madaxweynaha oo diyaarad ka soo raacay magaalada Boosaaso ee xarrunta ganacsiga Puntland ayaa si weyn loogu soo dhaweyey garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, Madaxda Galmudug iyo Puntland ayaa wafdiga madaxweynaha ku soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo.
Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada maalamahan ka socday diyaargarow ku aadan soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha.
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmahan socdaal ku marayey magaalooyin ku yaalla Puntland.
Wafdiga madaxweynaha ayaa xaley xaflad sagootin ah loogu sameeyay magaalada Ganacsiga Puntland ee Boosaaso.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa socdaal ku maraya magaalooyinka ku yaalla goballada Mudug iyo Galgaduud.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia |