 Kala badh dadwaynaha deenishku waxay diyaar u yihiin, inay jeebkooda ka kabaan khasnadda dawladda ee xiisadda dhaqaale saamaysay, cashuurta ha kordhiyeen ama adeegga ha iska bixiyeene.
Sidoo kale shantii deenish ahba mid baa u diyaar ah, inuu aqbalo hoos u dhaca adeegga iyo barwaaqo sooranka, si Danmark ugu soo laabato dhabbadii dhaqaalaheedu marayay xiisadda ka hor. Sidaas waxa muujiyay ra'yi ururin Gallup u samaysay Berlingske Tidende.
Ra'yi ururintu waxay soo baxday maalin ka hor, markii raisal wasaaraha Lars Løkke Rasmussen (V) laga sugayay, inuu soo bandhigo dib u habaynta dhaqaalaha dalka, iyo xalka ay dawladdu u hayso.
Waxa diyaarisay: Maria Gavilan
Waxa tarjumay: Ahmed Diria Liban
|