RH: Afar siyaasi oo muddo dheer ku jiray siyaasadda Denmark ayaa ka hadlay isbeddellada waaweyn ee ku dhacay siyaasadda dalka 25-kii sano ee lasoo dhaafay.
Siyaasiyiintan oo kala ah Martin Lidegaard oo ka tirsan Radikale Venstre, Inger Støjberg oo hoggaamisa Danmarksdemokraterne, Troels Lund Poulsen oo ka tirsan Venstre iyo Mikkel Dencker oo ka tirsan Dansk Folkeparti, ayaa dhammaantood markii ugu horreysay loo doortay Baarlamaanka Denmark sanadkii 2001. Diiwaannada doorashadii 2001 ayaa xaqiijinaya in afartan siyaasi ay xilligaas ku jireen Baarlamaanka.
Waxay sheegeen in shaqada Baarlamaanka iyo habka siyaasadda Denmark ay si weyn isu beddeleen muddadaas.
BARAHA BULSHADA OO SI WEYN U BEDDELAY SIYAASADDA
Inger Støjberg ayaa sheegtay in baraha bulshada ay yihiin isbeddelka ugu weyn ee ku dhacay siyaasadda Denmark sannadihii lasoo dhaafay.
Waxay tilmaantay in siyaasiyiintu maanta si toos ah ula xiriiri karaan shacabka, balse baraha bulshadu ay sidoo kale siyaasadda gelisay xawaare aad u sarreeya.
Mikkel Dencker ayaa sheegay in qulqulka wararka iyo xogta uu maanta socdo saacad kasta, taasina ay siyaasiyiinta ku qasbeyso inay si degdeg ah uga falceliyaan arrimaha siyaasadda.
Sida uu sheegay, mararka qaar waxaa muuqata in arrimo siyaasadeed aan si ku filan loo sii diyaarin, sababtoo ah xawaaraha iyo degdegga ayaa mudnaanta la siiyaa halkii laga eegi lahaa in arrintu si qoto dheer loo baaro.
SIYAASIYIINTA IYO BARAHA BULSHADA
Troels Lund Poulsen ayaa dhinaca kale sheegay in baraha bulshadu ay siyaasiyiinta u fududeeyeen inay si toos ah ula hadlaan cod-bixiyayaasha, xitaa marka ay ka fog yihiin Xarunta Baarlamaanka Denmark.
Wuxuu sheegay in jiilkiisa siyaasadeed, oo aan ku soo korin baraha bulshada, uu hadda si tartiib ah u sii yaraanayo.
Sida uu sheegay, baraha bulshada maanta waxay siyaasiyiinta u noqdeen meel muhiim ah oo ay shacabka kula xiriiraan, mararka qaarna waxay la mid yihiin muhiimadda ay leeyihiin wareysiyada ay siiyaan warbaahinta.
TEKNOOLOJIYADDA IYO SIRDOONKA MACMALKA
Martin Lidegaard ayaa isna sheegay in horumarka tiknoolajiyadda, gaar ahaan sirdoonka macmalka ah (AI), uu sii kordhinayo culayska saaran siyaasiyiinta.
Inkasta oo maanta ay jiraan qalab badan iyo shaqaale dheeraad ah oo siyaasiyiinta ka caawiya inay la tacaalaan arrimaha sii murugaya, haddana wuxuu sheegay in mararka qaar siyaasiyiintu dareemaan inay daba socdaan dhacdooyinka.
Wuxuu ku tilmaamay xaaladda maanta inay tahay waqti yar oo lagu wajahayo sharciyo iyo arrimo siyaasadeed oo aad u badan.
WADA-SHAQEYNTA XISBIYADA OO HOOS U DHACDAY
Martin Lidegaard wuxuu xusuustay sanadihii ugu horreeyay ee uu siyaasadda ku jiray, isagoo sheegay in xilligaas ay siyaasiyiinta xisbiyada kala duwan waqti badan wada qaadan jireen.
Kadib doodaha Baarlamaanka, siyaasiyiintu waxay mararka qaar ku kulmi jireen maqaayadda Baarlamaanka ee Snapstinget, halkaas oo ay si aan rasmi ahayn uga sii wada hadli jireen arrimaha siyaasadda.
Wuxuu sheegay in maanta weli uu jiro xiriir wanaagsan oo u dhexeeya siyaasiyiinta, balse heerka is-dhexgalka iyo isbarashada siyaasiyiinta uusan la mid ahayn kii 2001.
Mikkel Dencker ayaa isna sheegay inuu jeclaan lahaa in Baarlamaanka maanta ay ka dhacaan wada-hadallo badan oo u dhexeeya xisbiyada, gaar ahaan kulamada aan si toos ah loo baahin.
Wuxuu sheegay in kulamadii hore ay mararka qaar ahaayeen kuwo ka rasmi iyo dood ahaan ka qoto dheer, maadaama siyaasiyiintu aysan hadalka u jeedin oo keliya inay shacabka ama kamaradaha hortooda isku muujiyaan.
25 SANO OO SIYAASAD AH
Bisha November ee sanadkan ayaa ku beegan 25 sano tan iyo markii afartan siyaasi markii ugu horreysay loo doortay Baarlamaanka Denmark.
Inkasta oo ay muddo dheer ku jireen siyaasadda dalka, haddana waqtigan xaadirka ah midkoodna ma muujinayo inuu doonayo inuu ka fariisto siyaasadda ama uu ka tago Baarlamaanka.
RADIO HORMUUD – DENMARK