342 Tahriibiye oo lagu qabtay xuduudka u dhaxeeya Denmark iyo Germany

RH: Kolding. Tan iyo 2015 kii markii  dawlada Denmar dhigtey barta kaantarool xuduudka ay lawadaagto dalka ay dariska yihiin Jarmalka, si loo xakamooyo qulqulka  muhaajiriinta .

Waxaa la ganaaxey 342 qof oo  lasheegay in ay jabiyeen xeerka soo galootiga iyada oo lagu eedeeyay tahriibiyaal.

 

¼ Afar meelood meel ahaan dadkaas  xabsiga ayaa loo taxaabey, halka inta kallena la siiyey ganaax lacageed sida uu ku waramey wasiirka cadaalada ee Denmark Søren Pape Poulsen (K)  xilli uu su'aalo uga jawaabeyey gudiga cadaalada ee gollaha baarlamaanka  ee Denmark.

 

Tahriibiye waxa lagu eedaynkaraa qofkasta oo wada ama soo caawiyey dad si sharcidaro ah xuduudka dalka ku soo gallaya, waxaanu muteysankaraa qofka lagu qabtaa  ganaax culus oo lacageed  ama xabsi u dhaxeeya 2- 8 sannadood .

 

Heerka ciqaabta Waxaa lagu kala saaraa hadii tahriibiyuhu khatar galliyey nafaha dadka uu soo gallinayo ama Qaabka  iyo nooca abaabul ee uu uadeegsadey soo gallinta dadkaas (systematisk eller organiseret)

 

Xogta warka : wakaalada wararka ee Denmark /ritzau/

Tarjumida iyo tabinta . Maxamed-amiin Siyaad Cabdi

Category