8 qof oo ku dhaawacantay dagaal ka dhacay Sanaag

8 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen dagaal maalintii shalay dhex maray labo malayshiyo beeleed oo wada deggan deegaanka Cawsame oo ka tirsan degamada Dhahar ee Gobolka Sanaag.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu ka bilowday dhul beereed ay muddo bilooyin ah isku hayeen lahaanshiyihiisa labada beelood ee dirirtu dhexmartay.

Dagaalka oo socday waqti kooban ayaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland ayaa ku baxay deegaanka Cawsame iyagoo ku guuleystay in ay hakiyaan dagaalka. Ciidamada ayaa fariisin ka dhigtay goobta ay malayshiyaad beeleedku ku dagaalameen.

 

isha waraka : VOA

Category