9 Qof Oo Ku Dhaawacmay Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Hargeysa

Hargeysa(RH)Ciidanka Dab-damiska Caasimada Hargeysa oo ay Weheliyaan Laamaha Amaanka iyo Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Somaliland ayaa Maanta Abaaro 11:30 kii ka Hawlgalay Shil baabuur oo ka dhacay Tuulada Abaarso ee Duleedka Galbeed ee Magaalada Hargeysa.

Shilkan ayaa waxaa ku dhaawacmay 9 Qof, waxaana sababay shilkaas darawalka gaadhiga oo ka leexday Neef Geela oo Waddada Marayay.

Ciidanka Dab-damiska ayaa soo toosiyay gaadhigaa shilka galay, sidoo kalena dhaawacii gaadhsiiyay Magaalada Hargeysa.Dhaawacyada 9 Qof ayaa hada lagu Daawaynayaa Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa

 

Category