Aabo Soomaaliyeed oo la'aa wiil uu dhalay oo tababar ciidan loo qaaday oo ay hadda is-heleen

Muqdisho (RH)-Farxaan Khaliif Barre oo ah aabe soomaaliyeed oo ku nool magaalada Boosaaso ayaa maanta BBC-da u sheegay in xalay ay lasoo xiriireen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in ay la hadashiiyeen wiilkiii uu raadinayay.

Aabahan ayaa shaley lasoo xiriiriyay BBC-da isla markaana sheegay in wiil uu dhalay oo loo qaaday tababar milateri uusan wax war ah ka helin muddo sanad ah.

Waalidiin badan oo Soomaaliyeed ayaa maalmahanba walaac ka muujinayay carruur ay dhaleen oo la sheegay in dowladda Soomaaliya ay tababar ugu qaaday dibedda.

Balse dowladda Federaalka ayaa beenisay wararka sheegayo in askar Soomaali ah oo tababar loo qaaday ay ku dhinteen dagaalka gobolka Tigray ee waddanka Itoobiya.

Xiggasho: BBC

Category