Abiy Axmed : Trump dacwadda uu qabo ha gudbiyo

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u jawaabay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaddib markii uu dhawaan sheegay in Abiy Axmed laga siiyay biladda abaalmarinta nabadda ee Nobel.

Abiy wuxuu sheegay in uusan wax war ah ka heynin qaababka ay guddiga Nobel kusoo xusheen shakhsiyaadka ay abaal marinta guddoonsiinayaan.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu sidoo kale sheegay in dacwadda uu Trump kaga qabo abaalmarinta uu u gudbin karo guddiga Nobel ee uu fadhigiisu yahay caasimadda Norway ee Oslo.

Quote Message: Aniga uma shaqeeyo in aan abaalmarin helo, waxaan ka shaqeeyaan nabadda, waana arrin xasaasi ka ah gobolkeena" from Abiy Axmed Ra'iisul wasaaraha Itoobiya

Aniga uma shaqeeyo in aan abaalmarin helo, waxaan ka shaqeeyaan nabadda, waana arrin xasaasi ka ah gobolkeena"

Abiy AxmedRa'iisul wasaaraha Itoobiya

Abiy ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu weriyeyaasha kula hadlayay caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria.

Bishii Oktoobar ee sannadkii lasoo dhaafay, Abiy waxaa uu ku guuleystay abaal marinta nabadda ee Nobel kaddib markii uu heshiis la gaaray dowladda Eritrea taas oo lagu soo afjaray dagaalladii ka taagnaa xudduudda labada dal.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo dadweyne fagaare kula hadlayay wuxuu sheegay inuu heli lahaa biladda Nobel ee laga guddoonsiiyay Abiy.

Inkasta uusan Trump magac dhabin qofkii ku guuleystay biladda Nobel ama dal balse waxaa iska cad inuu hadalka ku waday Abiy, waana hogaamiyaha kaliya ah ee ku guuleystay abaal marinta Nobel tan iyo sannadkii 2016 xilligaas oo Trump la doortay.

isha warka .BBC

Category