Afar Qof Oo Ku Geeriyooday Dhisme ku Soo Dumay Deg.Tog-wajaale

Tog-Wajaale(RH):-Allah Ha U Naxariistee Afar Qof ayaa ku Geeriyooday 11 kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii uu ku soo dumay dhisme Bakhaar ah oo ay ka shaqaynayeen oo ku yaala Magaalo Ganacsiyeedka Tog-Wajaale ee Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya

 

 

Badhasaabka Gobolka Gabilay Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye oo ku sugan Magaaladda Tog-Wajaale ayaa sheegay in afarta qof ee dhimatay uu ku jiro Mulkiilihii lahaa dhismaha Gurigaasi dumay, waxa kale oo uu Guddoomiyuhu sheegay in dadkii ku dhaawacmay dhismahaasi la geeyay Cisbitaalka Guud ee Magaaladda Gebilay oo haatan lagu dabiibayo.

 

Ciidanka Dab-demiska Degmada Tog-wajaale ayaa kaalin weyn ka qaatay ku hawlgalka  daad-guraynta dhaawaca iyo dhimashada Dadka ku waxyeeloobay  dhismahaasi dumay .

Waxaana ilaa hada laga Shaki Qabaa in Dad kale ku Hoos jiraan Burburka Dhismahaasi

 

Category