Al-Shabaab oo macallimiin ku dilay Kenya

Mandhera (RH)-Inta la ogyahay labo qof ayaa ku dhintay, kaddib markii rag hubeysan ay xaley weerarreen dugsiga sare ee Carabiya ee degmada Mandheera ee gobalka waqooyi bari ee Kenya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in rag hubeysan ay u dhaceen iskuulkan isla markaana ay gubeen hoygii ay jiifanayeen macallimiinta markii ay dileen kaddib.

Ciidamadii ku sugnaa dhismaha iskuulka la weerarray ayaa la sheegay in ay awood u yeelan waayeen in ay iska difaacaan Al-Shabaabka soo weerarray iskuulka.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay ka soo talaabeen xuduuda Soomaaliya, waxaana ay wateen hub culus.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Al-Shabaab ay weerarto deeganka Carabiya.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerartay dalka Kenya gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin dadka aan Soomaalida ee ku nool waddankaas.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay iyadoo ardayda iskuulada Kenya ay isku diyaarinayaan imtixaanka dusiyada sare ee Kenya, waxaana cabsi ay la soo daristay macallimiinta Kenyanka ah ee ku sugan deegannada ku dhow xuduudda Soomaaliya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category