Aqalka sare oo ansixiyay hindisaha sharciyeedka Doorashooyinka

Muqdisho (RH)-Xildhibaananada golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ansixiyay akhrinta hindise- sharciyeedka doorashooyinka qaranka heer Federaal.

Kulanka maanta waxauu ahaa kii 35-aad ee kalfadhiga 6-aad ee golaha aqalka sare, waxaana shir guddominayay guddoomiyaha aqalka sare senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxaana ku wehlinayay labadiisa guddoomiye.

Hindise-sharciyeedka doorashooyinka qaranka heer federaal, waxaa oggaaladay 27 Senatar, iyadoo ay diideen lix xildhibaan, mana jirin xildhibaan ka amuusay.

Xildhibaannada aqalka sare

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category