Arday Bartay Aqoonta Dhismaha Oo Furtay Goob Gaadiidka lagu Maydho ama (Leebaajo) + Sawiro

Hargeysa (RH) Abokor Muuse Nadiif waa arday mudo saddex sanadood ka hor bartay cilmiga dhiska iyo dhismaha ee loo yaqaano injineerinka, waxaa uu ka bartay Jaamacadda Golis ee magaaladda Hargeysa.

Intaasi ka dib waxa uu Abokor u qalab qaatay in uu cilmiga iyo aqoonta uu bartay uu ku raadsado shaqo uu ku dabaro noloshiisa, balse umay suuragelin, helitaanka shaqo inta mudada ah uu raadinayay,Waxaanu Furtey  Goob Gaadiidka lagu Maydho ee loo yaqaano Leebaajo

Abokor Muuse Nadiif isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Aniga iyo saaxiibkeyba waxaa aanu ka wada baxney Jaamacadda Golis, waxaa aaan bartay faculka Civil Injineerinka 2017-kii , isaguna wax kale ayuu bartay, intaasi kadib hawl yar ayaan u baxay oo dhinaca Jabuuti aheyd, kadib markii aan soo noqday shaqo wakhti koobana ayaan helay tiina markii ay iga dhammaatay wax shaqo ah oo danbe waan waayay”

Abokor waxa uu qaatay go’aan ah in aanu gacmaha laaban oo aanu gurigooda uun iska fadhiyin hase ahaate uu sameeyo meel gaadiidka lagu maydho oo leebaajo ah, waxaana hindisaheeda iska kaashaday isaga iyo wiil saaxiibkiis ah “Waxaan arkey in magaaladii ay bila shaqo tahay oo habbeenkii meheraddaha shaaha laga caba’uun la buuxiyo, marka waxaan go’aansaday in aanan qofkale uun shaqo ka sugine ama shaqo xafiis oo aan fadhiisto uun raadine anigu waaniga baabuurta gacanteyda ula tagay, xaqlena waan ahey anigo meheradii heysta ayaan dhinacna ka shaqeysanayaa, hadhawna in aan cid kale u dhiibto ayaan balaadhin karayaa, marka cilmigaan bartayna dhismaha ayuu ahaa, hase ahaate shaqo ku waayay nasiib-daro, laakiin maaha in aad fadhido uun guriga hooyadda oo aad bariiska ku cunto markaad shaqo weyde, ee waxaa fiican in aad beertaada qodato ama aad suuqa gasho ama dhismaha kor oo nijaar noqo, kolba dhanka ay kugu dhacdaba waa loo rida bahashe sidaasi ayaan leeyahay leeyahay”

“Goobtan maydhista baabuurta ilaa sanadkii hore ayaan soo wadney qorshaheeda intaasi kadibna waxaa uu ka maarmi waayay in aanu meel wanaagsan helo, hada waxaa aanu helay wajahad fiican oo ka soo horjeeda wasaaradda arrimaha dibada ama kaalinta Aadan Shiine, marka INSHA ALLAH waxaa aanu is leenahay ILLAAHEY wax kheyr qaba ayuu idin kala kulmin”Ayuu yidhi Abokor.

Hadaba Leebaajada Dhalaaliye ee maydhista gaadiidka ayaa bixisa adeegyo dheerada, oo ay kaga duwan tahay meheradaha kale ee dhigooda ah sida in hadiyado ay siiso dirawaliinta “Adeeg kale oo waxaa aanu bixina hadii aad saddex jeer uu gaadhigu naga maydhon in mar afraadka aanu bilaash uga dhigno, hadii uu lix jeer naga maydhana waxaa uu helaya hadiyadd, baabuurta waa weyn sida VX-ka iyo wixii soo raaca waxaa aanu ku maydhna 35-kun oo shilin, Indhacadayaasha 25-kun oo shilin ayaanu ku maydhnaa, kuwa yar-yarna waxaa aanu ku maydhna 20-shilin, anaga oo intaasi oo dhan ku dadaalna gacan wanaag iyo deg deggsiiyo, sida magacayaga ka muuqatana waaba dhalaaliye”

Shaqo abuurka uu la yimid Abokor ayaa ah mid daaha ka feydeysa fikrikii dhalinyaradu aaminsaneyd ee aahaa in aan dalka shaqo ka jirin.

 

D

 

D1

 

DWD2

 

D5

 

DR

 

Category