Ayax Khasaare Ba’an Gaadhsiiyay  Dhul Beereedyo  Ku Yaalla Gobolka Awdal

Boorama(RH)Ayax Khasaare Ba”an gaystay ayaa ku habsaday dhul Beereedyo ku yaala gobolka Awdal.Qaar ka mid ah Dadka Beeraleyda ah ee ku dhaqan Gobolka Awdal Oo Warbaahinta la Hadley ayaa sheegay inuu  Ayaxani waxyeelo weyn u geystay qaar ka mid ah  Dalagii wax-soo-saarka Beeraha gobolka Awdal gaar ahaana tuulooyinka kala ah Xariirad, Xaliimaale, Maraaley, Ceel Baxey, Qoqol, Aroorseel iyo Weeraar.

 

Gudoomiyaha beeralayda Tuuladda Xaliimaale , Saleebaan Xasan Siciid ayaa sheegay in Ayaxu uu ka baabi’iyay dalagyadii ka baxay beertiisa oo cabir ahaan gaadhaysa 27 Hektar isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Wax la celin karayo maaha, xilliyadiisa ugu horeeyo ayaa macquul ah in wax laga qabto balse kan xitaa daasadaha la qaraaco wax kama taraan”

Sidoo kale Saleebaan waxaa uu tilmaamay in khasaare weyn uu soo gaadhsiiyay Ayuxu maadaama uu cunay qaybo ka mida wax-soo-saarkii uu mudada ku tabcayay ee ay ka mid ahaayeen Basasha iyo Xab-xabku waxaanu yidhi “Waxaan rajaynaayay in aan Xab-xabka kaliya aan ka helo $4000, beertaan waxaan ka shaqaynaayay muddo seddex bilood oo xidhiidh ah, Kharash bandanna waan galiyay”

Shide Cawaale Good oo isna ka mid Ah beeralayda Xaliimaale oo beertiisa ay waxyeelladu ka soo gaadhay Ayaxaasi ayaa wuxuu xusay in uu ahaa mid hawada dhan qariyay “Markii uu i dulmaraayay Ayaxa waxay ahayd sida aniga oo hadh hoos jooga, xitaa maan arkeynin Qoraxda Cadceeda, kolay kolka uu dalagu soo baxo, siyaabo badan baa loo isticmaalaa, marka uu Garawgu dadka ka goosto, qoysas badan baa ku noolaada, kolka laga tago Garawga, caleenta waxa ku noolaada Geela iyo Lo’ da iyo munaafacaad badan lix bilood oo dhan baa lagaga baxaa”

Bulshadan Beeraleyda ah ee Gobolka Awdal ayaa sheegay in Ayaxani uu ka soo guurey dhinaca Dalka Itoobiya.

 

Category