Baarlamaanka DDSI oo meelmariyey golaha wasiirada cusub

Jigjiga (RH)-Baarlamaanka dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Jigjiga, waxa ay ku meel mariyeen golaha wasiirada cusub ee uu soo magacaabay madaxweynaha la doortay Mustafe Muxumad Cumar.

Golaha wasiirada cusub ee DDSI ayaa ka kooban 27 wasiir.

Madaxweynaha cusub Mustafe Muxumad Cumar, afhayeenka baarlamaanka Maxamed Rashiid iyo guddoomiyaha xisbiga dimuquraadiga shacbiga Soomaaliya Axmed Shide ayaa kulanka ku sugnaa maanta.

Sidoo kale, waxaa la ansixiyey hantidhowrka guud ee dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya Ismaacil Axmed oo horrey u soo shaqeeyay.

Sidoo kale, waxaa la ansixiyey xafiiska macdanka iyo tamarta kaasoo si toos ah u la xiriira arrimaha batroolka oo la rabo in gobalka Soomaalida Itoobiya laga soo saaro.

Haddaba, maxay golaha wasiirka cusub uga baddalan yihiin golihii horre ee Cabdi Maxamuud Cumar.

Sida ay lee yihiin weriyayaasha iyo dadka siyaasadda gobalka Soomaalida la socda, waxa ay lee yihiin golihii horre 40% waxa ay ahaayeen dumar, balse golaha wasiirada cusub labo dumar ayaa ku jira 27 kalena waa rag.

Sidoo kale, badi golaha wasiirada cusub waa kuwa aqoon leh oo illaa heer shahaado master ah, sidoo kale waa kuwa ku cusub dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya waayo waa ay ka maqnaayeen intii xukunka hayey Cabdi Maxamuud Cumar oo bishii horre lagu qasbay in uu is casilo, waxaana la soo taagay maxkamad iyadoo loo heesto eedo la xiriira goboolfalo ka dhacay deeganka intii uu xukunka hayey.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category