Baarlamaanka Puntland oo xilkii ka qaaday Dhooba-daareed

Garowe (RH)-Xildhibaannada baarlamaanka Puntland, ayaa fadhi ay maanta ku yeesheen Garowe waxa ay kalsoonida kala noqdeen guddoomiyaha baarlamaanka, Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhooba-daareed).

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Puntland abukaate Cabdicasiis ayaa shir guddoominayay kulanka xilkka looga qaaday waxaana fadhiyay 54 mudane, iyadoo 49 mudane ay u codeeyeen in ay rideen Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhooba-daareed) oo muddo 10 bilood hayay xilka guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, waxaana ka aamusay afar mudane.

Dhinaca kale, guddoomiyaha baarlamaanka, Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhooba-daareed) ayaa ku gacan seeray xil ka qaadista lagu sameeyay, waxaana uu ku tilmaamay mid xaaraan ah.

Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhooba-daareed)

Waxa uu sheegay xil ka qaadistiisa in uu ka damabeeyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni isla markaana xaley xildhibaannada loo qaybiyay lacag oo midkiiba la siiyay 20kun oo dollar.

Xil ka qaadissta guddodomiyaha guddoomiyaha baarlamaanka ayaa timid kaddib hurguf in mudddo ah si hoose u soo socotay ay ugu dambeen ku biya shubatay in gacanta la isugu tego.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay is rasaaseen dhexmartay ciidamo ilaalo u ahaa taliyaha booliska Puntland iyo ciidamo horrey u sii joogay dhismaha baarlamaanka oo daacad u ahaa guddoomiyaha xilka laga qaaday.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category