Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay sharciga batroolka

Muqdisho (RH)- Xildhibaannada golaha shacabka ayaa maanta oo Isniin ah meelmariyay xeerka batroolka oo muran badan uu ka taagan yahay maadama qaar ka mid ah maamullada dalka ay diidan yihiin sharcigaas.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa maanta soo gabagabeeyay akhrintii saddexaad ee sharcigan  batroolka oo in dhawaala ahba hor yaalay baarlamaanka.

Akhrinta koowaad iyo labaad ayuu soo maray sharcigan maanta waxa uu maray akhrintii ugu dambeeyay dabadeedna waxaa loo qaaday cod.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ahna ku sumaha guddoomiyaha golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa ku dhawaaqay tirada xildhibaannada u codeeyay sharcigan waxaana uu sheegay in 150 xildhibaan ay u codeeyeen sharcigan halka afar xildhibaan ay diideen mana jirin xildhibaan ka aamusay.

Kooramka xildhibaannada ayaa waxaa fadhiyay 154 xildhibaan.

Markii xildhibaannada ay meel mariyeen xeerkan ayaa, waxaa goobta ka hadlay wasiirka batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in sharcigan uu muhiimad gaar u lee yahay ummadda Soomaaliyeed maadama uu yahay sharcigii hagi lahaa.

"Waa sharcigii hagi lahaa shirkadaha caalamiga ee raba in dalkan ay ka shaqeystaan, waa sharcigii hagi lahaa dowladda federaalka iyo dowlad goballeedyada, waa sharcigii ilaalin lahaa bii'ada oo marka ay dhib soo gaarto"ayuu yiri wasiirka bastoorka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan shirkadihii horrey uga shaqeen jiray Soomaaliya wixii ka horreeyay 1991-dii.

Sharcigan ayaa la sheegay inuu ahaa mid ay meelmarisay dowladii Maxamed Siyaad Barre 1984-tii laaki wax ka baddel ayaa lagu sameeyay, sidoo kale baarlamaankii kumeelgaarka ee Baydhabo fadhiyay 2004-tii ayaa wax ka baddel lagu sameeyay.

Sharcigan ayaa hadda ugudbi doona golaha aqalka sare marka ay ka doodaan waa ay ansixin doonaan waxaana markaas kaddib saxiixi doona madaxweynaha Soomaaliya iyadoo uu gali doono faahinta rasmiga ah.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category