Bandhiga Buugaagta oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho (RH)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Arbaca ah ka furmay bandhigga bugaagta waana sannadkii afaraad oo la qabto iyadoo ay ka soo qeybgalayaan orayaal iyo aqoonyahanno ka kala timid dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Waa bandhiggii ugu horreeyey ee noociisa oo lagu qabto Muqdisho tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.

Maxamed Diini waa aasaasaha bandhiggan waxa uu sheegay in ujeedka bandhiggan loo qabtay ay tahay sidii dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku sugan yihiin loo sameeyo madal ay ku kulmaan oo ay ku soo bandhiggaan aqoontooda iyo buugaagta ay qoreen.
Waxa uu sheegay in bandhiggan lagu casuumo qorayaal Soomaali ah iyo kuwa ajnebi ah kuwaasoo buugaag ama sheekooyin ka qoray arrimaha Soomaaliya.

Bandhigga maanta waxaa furay ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo duqa caasimadda Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow.

Dadweyne fara badan oo ka kala yimid degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa soo buux dhaafiyey maalinta koowaad ee bandhiggan buugaagta Muqdisho.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category