Baydhaba: Madaxweyne Farmaajo oo si rasmi ah u furay shirka amniga qaranka Soomaaliya

Baydhaba (RH)-Magaalada Baydhaba waxaa maanta duhurkii ka furmay shirka amniga qaranka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah shirka u furay, waxaana ka qeybgalaya xubnaha gudaha amniga qaranka oo ay qeyb ka yihiin madaxda dowladda federaalka, duqa Muqdisho iyo madaxweynayaasha maamul goballeedyada.

Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa qodobo ay ka mid yihiin amniga guud ee dalka,hannaanka federaaleynta iyo qeybsiga kheyraadka, doorashooyinka 2020, tayeynta & isku dhafka ciidamada Soomaaliyaa.

Si kastaba, qoddobada ay muhiim tahay in ay madaxda ku shireysa Baydhaba ay xal ka gaaraan waxaa ka mid ah heshiiska qeybsiga kheyraadka oo dhammeestiran iyo hannaanka nooca doorasho ee dalka uu qaadanayo marka laga gaaro 2020.

Sidoo kale, madaxdu waxaa lagu wadaa in ay gorfeeyaan qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin wax qeybsiga, hannaanka garsoork fadaraalka ah, mideynta hannaanka dakhliga, nidaamka dowladeed ee uu dalka yeelanayo in maqaamka Muqdisho ay yeelanayso.

Shirka ayaa la filayaa in uu socdo labo maalin oo ah maanta iyo berri.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category
Location