Beeraleyda jaadka Kenya oo farriin u diray dowladda Soomaaliya

Beeraleyda qaadka ee dalkan Kenya ayaa sheegay in khasaare lixaad leh uu ka soo gaaray xayiraadda la saaray qaadkii ay u dhoofin jireen waddanka Soomaaliya.

Qaadka la geeyo Soomaaliya ayay sheegeen in fursad shaqo ay u aheyd dad badan, kuwaas oo ay sheegeen in haatan ay shaqo la'aan noqdeen.

Kimathi Munjuri oo ah guddoomiyaha urur ay ku midaysan yihiin beeraleyda jaadka ee dalka Kenya, ayaa BBC-da u sheegay in maalin walba ay khasaaraan lacag ka badan 150 kun oo doollar, maadaama aanay jirin suuq la geeyo qaadkii ay Soomaaliya gayn jireen.

"Markii dowladda Soomaaliya ay qaaday xayiraaddii saarneyd badeecadaha la geeyo gudaha waddanka waxay ka reebtay jaadka, maalin walba waxaan Soomaaliya geyn jirnay 50 tan oo jaad ah taas oo u dhiganta 150 kun doolar maalintiiba , qaar badan oo kamid ah beeraleyda jaadka khasaare badan ayaa kasoo gaartay arrintaas,maxaa yeelay dakhliga kaliya ee aanu helno waa kan jaadka, anagu haddii aanu nahay beeraleyda jaadka iyo ganacsatada Soomaalida wax inoo dhexeeyo habayaraate ma jirto"

Kimathi Munjuri waxa uu intaasi ku daray in jaadka kaliya aanay Soomaaliya geyn balse ay sidoo kale badeecooyin ka soo iibsadaan dibna ugu soo celiyaan gudaha Kenya, ganacsigooduna uu yahay wax isdhaafsi.

"Haddii aynu iibino jaadka, annaguna waxaan soo iibsaneynaa badeecadaha kale ee laga helo Soomaaliya oo kalluunka uu kamid yahay. Kenya, kalluunka ugu badan waxaa uu uga yimaadaa Shiinaha, mana aragno sabab aynu Shiinaha uga soo qaadano kalluunka maxaa yeelay Soomaaliya oo aynu deris nahay ayanu ka heli karnaa kalluun badan oo wanaagsan, waxaa jira waxyaabo kale oo aynu Soomaaliya kasoo dhoofsan karno sida xoolaha nool iyo hilibkooda oo dalka Kenya ku yar," ayuu yiri Kimathi.

Beeraleydka jaadka ee Kenya waxay sheegayaan inay tuhmayaan in sababta qaadka loo joojiyay ay tahay muranka xadka ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, taasina aysan u wanaagsaneyn ganacsiga labada dal.

"Waxaaan dowladda aynu deriska nahay ee Soomaaliya ka codsan lahaa , haddii aan nahay reer Kenya in wadahadalada labada dhinac u dhaxeeya ee jaadka la xiriira loo arko mid muhiim ah oo la dedejiyo, si aynu dib ugu billawno ganacsiga jaadka."

Dhawaan ayay aheyd markii madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto oo la hadlay mid kamid ah telefishenada maxalliga ee Kenya uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ugu baaqeen in la kala saaro arrinta badda iyo ganacsiga labada dal.

"Waxaa dhacday xoogaa is-fahan la'aan ah oo u dhaxeeya dowladda Kenya iyo tan Soomaaliya sababa aan xiriir la lahayn arrimaha jaadka. Waad ogtahay arrimo la xiriira xudduudda ayay maxkamad noo geeyeen. Sidaa awgeed, waxay isku dayayaan in ay naga xiraan suuqa jaadka si ay shuruud uga dhigaan muranka xudduudda ee nagala dhaxeyso." ayuu yiri Ruto.

Horraantii bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Somaaliyaa ay xaqiijisay iney dib usoo celisay diyaarad sidday jaad oo laga leeyahay Kenya oo lagu eedeeyay iney jabisay tallaabooyinka lagu xaddidayo fayraska corona, sida uu sheegay sarkaal magaciisa ka gaabsady oo dawladda ka tirsan.

Xiriirka labada dal ayaa heerkii ugu xumaa gaaray sanadkii lasoo dhaafay, kaddib markii uu soo cusboonaaday muranka la xiriira lahaanshaha qeybo ka mid ah xadka dhinaca badda, halkaasoo la sheegay inuu ku jiro kheyraad qiimo badan leh.

Dowladda Soomaaliya ayaa horraaantii sanadkan mamnucday in la hakiyo duulimaadyada rakaabka iyo qaadka taasoo qeyb ka ahayd tallaabooyinka lagu xakameynaya fafitaanka fayraska Korona. Tan iyo markaasi dowladda ayaa dib u fasaxday duulimaadyada maxaliga iyo kuwa caalamiga ah, balse xayiraadda qaadka ayaa wali taagan.

 

xigasho BBC 

Category