Beesha caalamka oo war kasoo saartey xaalada Soomaaliya iyo doorashooyinka la filayo

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed wadajir ah oo uu kasoo saaray magaalada Muqdisho ku sheegay in beesha caalamka ay si wadajir ah isha ugu heyso arrimaha xilligan ka taagan waddanka.

Bayaankaas ayaa qormadiisa lagu billaabay: "Saaxiibbada Soomaaliya* ee beesha caalamka waxay muujinayaan walaacooda iyo rajada adag ee ay ka qabaan in arrimaha siyaasadeed ee dhowaan soo kordhay, oo ay ku jirto arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka, aanay wiiqi doonin dadaallada loogu jiro is-faham siyaasadeed oo wadar-ogol ah oo laga gaadho doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo aanay carqaladayn doonin ajendaha dib-u-habaynta Soomaaliya, ama aanay abuuri doonin xasillooni darro dib u dhac ku keeni karta guulihii ilaa iyo hadda laga gaaray arrimaha hortabinta u leh qaranka."

War-saxaafadeedkan ayaa sidoo kale baaq loogu jeediyay dhammaan dhinacyada ay arrintani khuseyso.

"Saaxiibbadu waxay si joogto ah ugu baaqeen wadatashiyo loo dhan yahay si heshiis sal-ballaaran looga gaadho noocyada doorasho ee sannadka 2020ka. Taasi waa sababta ay u soo dhoweeyeen go'aannadii ay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowlad Goboleedyadu ku gaareen magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo gaadho yoolkaas."

Dhinaca kale waxay mas'uuliyiinta heer federaal iyo heer maamul goboleed ku boorriyeen inay ka dhabeeyaan heshiisyadii ay ku gaadheen magaalada Dhuusamareeb, dhinac walbana uu dadaalkiisa sameeyo.

"Saaxiibada caalamku waxay ka filayaan in madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu ay ixtiraamaan heshiisyadii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo iyo jadwalka waqtiyaysan ee shirarka lagu sii ambaqaadayo arrimahaas, la iskuguna keeno Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, hoggaanka Baarlamaanka Federaalka, xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah. Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda oo isku daya inuu keligiis dadka kale ku qasbo noocyo doorasho wuxuu noqon doonaa mid aan sharciyad lahayn lamana dhaqangelin karo haddii uusan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee saamilleyda kale. Saaxiibadu waxay si dhow ula socon doonaan waxyaabaha dhici doona ee soo socda. In go’aan lagu gaaro u-heelanaanta arrimaha qaran ee hortabinta leh ee lagu heshiiyay iyo in arrimaha lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul waxay muhiim u yihiin sii socoshada taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya ee heerarka hadda ay tahay."

Gabagabada war-saxaafadeedkan ayaa lagu yidhi; "Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si dhakhso ah loo soo magacaabo dhammaan xubnaha DFS-DXF uga mid noqonaya Guddiga Farsamada, waxayna diyaar u yihiin inay fududeeyaan hawsha Guddiga, si hawshaas loogu soo dhamaystiro muddada labada toddobaad ah ee lagu heshiiyay, taas oo ka soo billaabanaysa taariikhda shirkii Dhuusamareeb."

Waddamada ku mideysnaa bayaankan wadajirka ah waxay kala yihiin: Austria, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Maraykanka, Faransiiska, Finland, Holand, Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Poland, Qatar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur Goboleedka (IGAD), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka, iyo Qaramada Midoobay

 

xigasho . BBC

Category