Beesha Caalamka soo dhaweysay wadahadallada u socda DFS iyo Midowga Musharixiinta

Muqdisho (RH)-Wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa ugu baaqay Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga musharixiinta inay sii wadaan wadahadallada u dhexeeya si xal looga gaaro khilaafka doorashada 2021 lana soo afjaro qalalaasihi ka dhashay 19-kii bishii February.

Sidoo kale, saaxibada beesha caalamka waxa ay ka codsadeen raysal wasaaraha iyo midowga musharixiinta in ay ku tallaabasadan.

Qoraalka beesha caalamka ayaa loogu booriyay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goballeedyada xubnaha ka ah federaalka in ay qabtaan shir madaxeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo himilooyinkii laga lahaa fulinta qorshayaashii laga lahaa heshiiskii 17-kii September 2020 loona soo jeedin lahaa heshiisyadii guddiga farsamada ay ku yeesheen Baydhabo 16-kii Febraayo iyadoo aaney jirin dib u dhac dambe.

War-saxaafadeedka waxaa ku saxiixnaa AMIOSM, OIC, ururka jaamacadda Carabta, waddamada Maraykanka, UK, Denmark, Jabuuti iyo Biljam.

Raysal wasaarihii horre ee Soomaaliya Madaxweynihii horreShirka Midowga Musharixiinta

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category