Booliiska Soomaaliya oo warbixin kasoo saarey qasaarihii ka dhashey weerarkii hotel SYL

RH: warbixinta booliiska ayaa sidan u dhigneyd

 

Waxaa ciidamadeenna geesiyaasha ah ay soo afjareen weerarkii ay kooxda argaixisada ah ku soo qaadeen Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho iyagoo soo badbaadiyay shacab iyo masuuliyiin kor u dhaafaya 80 oo ku jiray gudaha markii uu weerarku dhacay.

Khasaaraha dhimashada sidaan xaqiijinayno waa 2 askari oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida iyo 3 shacab. Sidoo kale waxaa dhaawac fudud soo gaaray 9 qof oo shacab ah iyo 2 askari.

Category