Cabdi Maxamuud Cumar oo markii labaad dib loo dhigay maxkamadiisa

Addis Ababa (RH)- Madaxweynihii horre ee dowlad deeganka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar iyo saddex xubnood oo kale oo ka tirsanaa maamulkiisa ayaa maanta barqadii la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa ee xarrunta waddanka Itoobiya.

Markii la billaabi rabay maxkamadda ayaa booliska waxa ay codsadeen markale in la siiyo 14 cisho oo dheeraad ah si loo baaro eedaha loo heesto Cabdi Cumar iyo xubnaha la xiran kuwaasoo ay ka mid yihiin tacadiyo iyo ku takri fal awoodeed.

Qaaliga maxkamadda ayaa intii maxkamadda la soo xirin, waxa uu su’aal weydiiyey Cabdi Maxamuud Cumar oo ahayd in lagu dhibaateeyo jeelka uu ku xiran yahay iyo xalaadda goobta ay ku xiran yihiin.

Waxa uu sheegay in wax dhibaato la soo gaarsiin balse loo cagajugleeyo oo dad ay u yimaadaan kuwaasoo cabsi galiya, waxa kale oo uu codsaday in goobta ay ku xiran yihiin loo keeno dhakhaatiir maadaama ay ku jiraan dad xanuuno qaba iyo in saaladda laga hagaajiyo oo loo keeno sijaayado ay ku tukadaan, waxaana dib loogu celiyey qolkii uu ku xirnaa.

Waa markii labaad oo dib loo dhigo maxkamad saaridda madaxweynihii horre ee dowlad deeganka Soomaalida oo hadda ku xiran xabsi ku yaalla Addis Ababa.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category