Cabdi Tahliil warsame oo Geeryoodey

Waxaa xaley magaalada Muqdisho ku geeriyooday fanaankii caanka ahaa ee Cabdi Tahliil Warsame kaas oo in muddo ah ku xanuunsanaa Muqdisho.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid fanaanka.

Xaaladda caafimaad ee fannaanka Tahliil ayaa sii xumaanaysa waayadan danbe, mana jirin daryeel dhammeystiran oo uu ka helay qaranka.

Cabdi Tahliil Warsame, sida la hubo wuxuu ku dhashay deegaanka Wardheer sannadkii 1952-kii.

Sannadkii 1968-kii fannaanku wuxuu ku luuqeeyey heestiisii labaad ee Onkod, taasoo aad u caan baxday.

Heestan oo ilaa maanta kaalmaha hore uga jirta dookha dadweynaha waxaa u dhiibay Abwaan Axmed Saleebaan Bide.

Sannadkii 1971-kii wuxuu ka qeyb galay tartankii heesaha hirgalay waxaana ku weheliyay fannaaniin ay ka mid ahaayeen, Cabdulaahi Cumar Xarago, Cabdi Xasan Dige, Cumar Nuur Cabdule iyo Xasan Aadan Samatar.

Kooxihii kale ee uu Tahliil la soo shaqeeyey waxaa ka mid ahaa Kooxdii Danan oo uu kamid noqday hogaankii sare ee kooxdaas.

Haddaba fanaaniinta ka tacsiyeeyay geerida Cabdi Tahliil waxaa kamid ah Hibo Maxamed (Hibo Nuura) oo ku sugan dalka Mareykanka.

 

"Alle ha u naxariisto fanaanka qoyskiisii iyo umada soomaaliyeedna samir iyo iimaan haka siiyo"

 

isha warkan. BBC

Category