Cali Khaliif Galeydh oo la xaqiijiyay in uu u dhintay COVID 19

Muqdisho (RH)-Baaritaankii labaad ee lagu sameeyay meydka allaha u naxariisto raysal  wasaarihii horre ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeydh,ayaa lagu ogaaday inuu u dhintay safmarka COVID 19.

Xaaska uu ka tegay ra'iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Maryan Aadan Biixi oo saxaafadda ugu warrantay magaalada Muqdisho, ayaa xaqiijiyay in marxuumka uu u dhintay xanuunka COVID 19.

Waxa ay sheegtay in la iska daayo wararka been abuurka ee laga baahinayo marxuumka oo ah in la sumeeyay.

"Waxaan ahay xaaska marxuumka, waxaa Muqdisho u nimid anniga iyo eheladiisa in aan ka qeybgalno aaska qaran ee loo sameeyay, waxaa u mahadcelinayaa madaxda qaranka iyo madaxweynaha dowlad deeganka Soomaalida ee Itoobiya iyo dadkii aaska qaran u sameeyay"ayey tiri.

Sidoo kale, qaar ka mid ah ehelada marxuumka ayaa iyana sheegay in ummmadda Soomaaliyeed ay ugu baaqayaan in ay joojiyaan wararka been abuurka ah ee la baahinayo marxuumka.

Allaha u naxariisto Cali Khaliif Galeydh ayaa 8dii bishan ku dhintay magaalada Jigjiga, waxaana da'diisa ay ahayd 79 jir.

Waa ra'iisal wasaarihii labaad ee Soomaaliya ee u dhinta cudurka Corona Feyris.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogdishu Somalia

Category